Nato ayaa sheegtay in aanu jirin qodob dhigaya in dalalka xubnaha ka ah laga joojiyo ama laga saaro isbahaysiga militariga NATO ka dib markii ay soo baxday warar sheegay in Maraykanku uu doonayo inuu Spain ka joojiyo NATO sababo la xidhiidha mowqifka ay Spain iska taagtay dagaalka Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatay sarkaal Maraykan ah oo sheegay in email gudaha Pentagon ah uu soo jeediyay in Maraykanka uu ciqaabo xulafadiisa uu aaminsan yahay inay ku guuldareysteen inay taageeraan ololihiisa.
Email-ka ayaa sidoo kale soo jeediyay in dib loo eego mowqifka Maraykanka ee ku aaddan sheegashada UK ee jasiiradaha Falklands ee koonfurta Atlaantik, kuwaas oo sidoo kale ay sheegtay Argentina.
Sarkaal ka tirsan Nato ayaa BBC-da u sheegay in heshiiska aasaasidda ururka “aanu saadaalinayn wax qodob ah oo ku saabsan joojinta xubinnimada Nato, ama laga saaro”.
Hogaamiyaha Spain ayaa sidoo kale beeniyay warbixinta. BBC-du waxay la xidhiidhtay Pentagon iyo dowladda UK laakiin waxa Faallo ah kamay bixin.
Donald Trump ayaa si isdaba joog ah u dhaleeceeyay xulafada Nato isaga oo ku dhaleeceeyey in ay ka caga jiideen inay door weyn ka ciyaaraan ka dib markii Maraykanka iyo Israa’iil ay weerareen Iiraan dabayaaqadii Febraayo, Iiraanna ay xaddiday maraakiibta mara marinnada muhiimka ah ee Hormuz.
Spain waxay diiday inay ogolaato in saldhigyada cirka ee dhulkeeda loo adeegsado weerarrada ka dhanka ah Iiraan. Maraykanka wuxuu ku leeyahay Spain laba saldhig oo militari, Saldhigga Ciidamada Badda ee Rota iyo Saldhigga Diyaaradaha ee Morón.
Ra’iisal wasaaraha Spain Pedro Sánchez ayaa u sheegay wariyeyaasha: in aanay ku shaqayn emayl laakiin ay ku shaqeeyaan dukumentiyada rasmiga ah iyo mowqifyada rasmiga ah ee ay qaadatay dowladda Maraykanka kiiskan.”
Sánchez wuxuu intaas ku daray in Spain ay taageerto “iskaashi buuxa oo ay la yeelato xulafadeeda, laakiin had iyo jeer ku socoto qaab-dhismeedka sharciga caalamiga ah.”
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer ayaa ku adkeystay in ku lug lahaanshaha dagaalka ama xayiraadda Maraykanka ee hadda saaran dekedaha Iran aaanay danta UK ku jirin. UK waxay u ogolaatay Maraykanka inuu isticmaalo saldhigyada Ingiriiska si uu weeraro ugu qaado goobaha Iiraan ee bartilmaameedsanaya Marinka Hormuz iyo diyaaradaha RAF ayaa ka qayb qaatay howlgallo lagu soo ridayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iiraan.
Boqortooyada Ingiriiska, Faransiiska iyo kuwa kale ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay furnaadaan marin biyoodka Hormuz ka dib marka la gaadho xabad joojin waarta ama la soo afjaro dagaalka.
Maraykanka ayaa doonaya inuu qaado aargoosi ku aaddan iskaashi la’aanta waxay soo jeediyaan in dib loo eego hantida boqortooyada” ee Yurub ee muddada dheer jirtay sida Jasiiradaha Falkland, sida ay Reuters ka soo xigatay sarkaalka Maraykanka.
Jimcihii, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa ku boorriyay xulafada Nato inay isku duubnaadaan ka dib qoraalkii Pentagon, isaga oo sheegay in isbahaysigu uu yahay “isha xoogga”.
Afhayeen u hadlay dowladda Jarmalka ayaa sheegay in xubinnimada Spain aanay su’aali ka taagnayn.
“Isbaanishku waa xubin ka tirsan Nato. Mana arko sabab ay taasi isu beddesho,” ayuu yidhi afhayeenka intii lagu jiray shir jaraa’id oo caadi ah oo ka dhacay Berlin.
Dhulka Falklands, oo Argentina looga yaqaan Malvinas, waxay qiyaastii 8,000 mayl u jiraan Boqortooyada Ingiriiska iyo qiyaastii 300 mayl dhul-weynaha Argentina.
Argentina waxay muddo dheer sheeganeysay inay madax bannaan tahay jasiiradaha, oo ah dhul ay Britain ku leedahay dibadda oo ku yaal koonfur-galbeed Badweynta Atlaantik. Labada dal waxay ku dagaallameen arrinta, ka dib markii ciidamada Argentina ay soo galeen jasiiradaha sannadkii 1982.




















