Wasaaradda Caafimaadka JSL Oo Dardar Gelisay Adeegyada iyo La-dagaallanka Jadeecadda

0
169

Barnaamijkeena caafimaadka ee toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dardar xooggan gelisay hawlaha caafimaadka ee gobollada dalka, iyadoo masuuliyiinta sare ee wasaaraddu safarro shaqo, kormeerro iyo kulamo muhiim ah ka fuliyeen gobollada Togdheer, Saaxil, Maroodijeex iyo magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Maxamed Aw-Daahir  iyo agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa magaalada Burco ka furay kulan heer sare ah oo lagu falanqeeyey xaaladda xanuunka jadeecadda ee gobolka Togdheer.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray korodhka kiisaska jadeecadda, dardargelinta tallaalka carruurta, xoojinta wacyigelinta bulshada iyo adkaynta nidaamka dabagalka cudurrada faafa.

Masuuliyiinta wasaaraddu waxay sidoo kale kormeerro ku tageen Cisbitaalka Maanka ee Burco (Maandhaye), Cisbitaalka Guud ee gobolka Saaxil iyo xarumo caafimaad oo kale, iyagoo warbixino ka dhegaystay maamulka iyo shaqaalaha caafimaadka, isla markaana qiimeeyey adeegyada caafimaad iyo baahiyaha jira.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa gargaar caafimaad oo degdeg ah gaadhsiiyey 400 qoys oo ku sugan deegaanka Loo-araay ee Naaso-hablood, kuwaas oo la tacaalayay xaalado caafimaad iyo nololeed oo adag.

Wasaaraddu waxay halkaasi geysay dawooyin, qalab biyaha lagu sifeeyo iyo kooxo caafimaad oo muddo shan maalmood ah adeegyo caafimaad ka bixin doona deegaanka.

Sidoo kale, Wasaaraddu waxay si rasmi ah uga guddoontay hay’adda World Health Organization (WHO) agab caafimaad iyo dawooyin muhiim ah oo loogu talagalay xoojinta adeegyada caafimaadka iyo dabagalka cudurrada faafa ee gobollada dalka.

Waxaa kale oo Wasaaraddu xaqiijisay shil gaadhi oo ka dhacay magaalada Gabiley, kaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca siddeed kale.

Wasaaraddu waxay sheegtay in dhaawacyada lagu dabiibayo cisbitaallada Gabiley iyo Hargeysa, iyadoo bulshada loogu baaqay in la adkeeyo badqabka waddooyinka iyo dhimista xawaaraha.

Intii uu ku sugnaa Nairobi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ka qayb galay dood caalami ah oo lagu falanqeeyey siyaasadaha u-diyaargarowga xaaladaha degdegga ah iyo xakamaynta cudurrada faafa, isaga oo sidoo kale booqasho rasmi ah ku tagay Safaaradda Somaliland ee Kenya si loo xoojiyo iskaashiga caafimaad iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Gaba-gabaddii,  Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa magaalada Burco ka daahfuray munaasabadda Toddobaadka Tallaalka Adduunka, isagoo bulshada ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan adeegyada tallaalka si looga hortago cudurrada halista ah, loona xaqiijiyo bulsho caafimaad qabta.