6 Ciyaartoy Oo Uu Mourinho U Sheegay Inay xamaantooda ka urursadaan Bernabue

0
118

José Mourinho ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid, sida la filayayna wuxuu durba bilaabay inuu isbeddello waaweyn sameeyo. Kahor inta aannu qabin shaqada tababarenimo ee Real Madrid, wuxuu shuruudo u bandhigay madaxweynaha kooxda, wax ka yar bil kadib markii dib loo magacaabayna wuxuu durba bilaabay inuu wax badan ka beddelo kooxda.

Marka hore, wuxuu oggolaansho degdeg ah siiyay saxeexyada Ibrahima Konaté iyo Denzel Dumfries, taas oo ay taageerayaasha Madrid intooda badan si farxad leh u soo dhaweeyeen. Laakiin waxa hadda taageerayaasha kala qaybinaya waa ciyaartoyda uu doonayo inay kooxda ka baxaan.

Qaar ka mid ah magacyada la sheegay waa kuwo la filayay, balse kuwo kale ayaa taageerayaal badan ka yaabiyay. Sida lagu sheegay warbixintan, lix ciyaaryahan ayuu Mourinho ka codsaday inay si degdeg ah uga tagaan Real Madrid:

Eduardo Camavinga

Dani Ceballos

Raúl Asencio

Fran García

Rodrygo

Franco Mastantuono

Warbixintu waxay sheegaysaa in Camavinga loo sheegay inaannu ku jirin qorshaha xilli ciyaareedka cusub, inkastoo uu yahay ciyaaryahan ay taageerayaashu aad u jecel yihiin. Sidoo kale Dani Ceballos ayaa la sheegay inuu kooxda ka baxayo maadaama uu waayay boos joogto ah.

Raúl Asencio iyo Fran García ayaa iyaguna lagu daray liiska ciyaartoyda laga yaabo inay baxaan, arrin ay taageerayaal badan la yaabeen maadaama labaduba ay marar badan kooxda caawiyeen markii ay dhibaatooyin dhaawac jireen.

Magaca ugu yaabka badan ayaa ah Rodrygo. Inkastoo uu taageerayaashu aad u jecel yihiin, warbixintu waxay sheegaysaa in Mourinho uu diyaar u yahay inuu iibiyo, maadaama booskiisa ugu fiican uu yahay garabka bidix halkaas oo ay joogaan ciyaartoy kale oo muhiim ah.

Ugu dambayn, Franco Mastantuono ayaa sidoo kale lagu sheegay inaannu ku jirin qorshaha Mourinho, inkastoo uu weli yahay ciyaaryahan 18 jir ah oo mustaqbal weyn leh.