Koobka adduunka 2026: Sidee ciyaartoygu u maarayn karaan kulaylka daran?

0
180

Ciyaartoyda kubadda cagta ee ka kala yimi dalalka adduunka ayaa la dhibtoonaya heerkulka xagaaga ee Maraykanka, kaas oo tartanka ka dhigay kii ugu kululaa Koobka Adduunka abid.

Saynisyahannadu waxay muddo dheer ka digayeen in kulaylka daran uu carqaladeyn karo dhacdooyinka ciyaaraha. Bishii hore, khubarada cimilada ayaa ka digay in mid ka mid ah afartii ciyaarood ee Koobka Adduunka lagu ciyaari karo xaalado aad u kulul, taas oo saameyn ku yeelan karta taageerayaasha iyo ciyaartoydaba.

Digniinahaas ayaa dhaqan galay usbuucii hore; baraha bulshada waxay aad u hadal hayeen ciyaartoy qoraxdu gubtay – oo inta badan ka yimid kooxaha Yurub oo inta badan isticmaali jiray cimilada qabow – oo isku shubayay biyo si ay u qaboojiyaan. Kooxda Norway xitaa waxay dooratay inay qoorta ku xidhaan baraf qabow oo maryo ku jira intii lagu guda jiray ciyaartii saaxiibtinimo ee ay la yeesheen Morocco.

Kabtanka England Harry Kane ayaa si degdeg ah u beeniyay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan inta kulaylku uu saameyn doono ciyaartoyda, isaga oo sheegay in aanay “sabab noqon doonin”, inkasta oo uu dhibayo tababarka xulkiisa.

Haddaba, intee in le’eg ayay heerkulka sare saameyn ku yeelan doonaa ciyaartoyda Koobka Adduunka? Al Jazeera ayaa eegtay.

Koobka Adduunka ee 2026 ayaa noqon kara kii ugu kululaa ee la diiwaan geliyo tan iyo markii tartanku bilaabmay 1930-kii sababta oo ah kor u kac xooggan oo ku yimid heerkulka adduunka, sida ay sharaxayaan warbaahintu.

“Qiyaastii nus darsin goobahaas ah ayaa u nugul kulayl daran; meelaha sida Dallas, Houston, Miami iyo goobaha Mexico dhammaantood waxay u badan tahay inay bararaan,” ayuu yidhi wariye Fox news ah.

Heerkulka maalintii waxaa la filayaa inuu celcelis ahaan gaadho 28C, inkasta oo garoomada ku yaal Dallas, Houston iyo Atlanta ay leeyihiin qaboojiye.

Qiyaastii 26 ka mid ah 104 kulan ayaa gaadhi kara ugu yaraan 26C tusmada Heerkulka Wet Bulb Globe (WBGT) – kaas oo cabbira sida ugu waxtarka badan ee jirku isu qaboojin karo – halka shan kulan la filayo in lagu ciyaaro xaalado heerkulkoodu yahay 28C WB ama ka sareeya, sida laga soo xigtay World Weather Attribution (WWA), oo ah shabakad saynisyahano cimilo.

26-kaas kulan, 17 ka mid ah waxaa lagu ciyaari doonaa garoomada leh nidaamyada qaboojinta, taas oo yareyneysa khatarta soo food saarta ciyaartoyda iyo taageerayaasha.

Marka la eego saamaynta waxa la leeyahaya cadaadiska kulaylka oo ay ugu wacan tahay qoyaanka oo kordha, soo-gaadhista shucaaca qorraxda iyo saameynta xawaaraha dabaysha ayaa saameyn ku yeelan doonta ciyaartoyda ku ordaya qorraxda tooska ah, Fox ayaa sidaas yidhi.

Kooxuhu waxay yeelan doonaan tababareyaal waxqabad iyo shaqaale caafimaad si loo hubiyo in ciyaartoydu ay diyaar u yihiin tartanka, oo ay ku jiraan la qabsiga. Sidoo kale looga ilaaliyo fuuq baxa.

Waxa la is weydiin karaa ciyaartoyda ka socda wadamada kulul ma leeyihiin faa’iido?

Dalalka Koobka Adduunka ee ciyaartoydoodu ku tababartaan cimilada kulul ayaa laga yaabaa inay faa’iido yar ka helaan la qabsiga heerkulka sare ee Maraykanka.