Guddida Doorashooyinka Qaranka Somalialnd iyo Xisbiga Kaah Oo Gaadhay Is-Afgarad Buuxa

0
82

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Somaliland Guddida Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ) iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee KAAH ayaa si rasmi ah u gaadhay is-afgarad buuxa, kadib wada-hadallo iyo kulamo isdaba-joog ah oo lagu xallinayey khilaafkii jiray, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo wada-shaqayntii rasmiga ahayd ee ka dhaxaysay, si loo xoojiyo wada-tashiga, kalsoonida iyo hufnaanta hawlaha doorashooyinka qaranka.

War qoraal ah oo Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ku baahiyay boggooda rasmiga ah ayaa lagu shaaciyay heshiiska is-afgarad ee dhexmay KDQ iyo xisbiga mucaaradka ah ee KAAH, kaas oo u dhignaa sidan “Maanta, (Shalay) Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee KAAH ayaa si guul leh u soo gebogebeeyey wadahadalladii iyo wada-tashiyadii u socday muddadii dhowrka bilood ahayd, iyaga oo gaadhay is-afgarad buuxa oo horseeday in Xisbiga KAAH uu si rasmi ah dib ugu soo celiyo wada-shaqayntii uu la lahaa KDQ.”

Sidoo kale, xisbiga KAAH ayaa dhankiisa ka hadlay heshiiska ay wada-gaadheen guddidada doorashooyinka qaranka Somaliland, war qoraal ah oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay bogga rasmiga ah ee xisbiga Kaah, ayaa lagu yidhi “Hoggaanka sare ee Xisbiga KAAH iyo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa maanta (shalay) kulan muhiim ah ku yeeshay xarunta Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee magaaladda Hargeysa..

Iyadoo xubnihii Xisbiga u qaabilsanaa komishankuna ay dib u bilaabi doonaan hawlahooda shaqo ee KDQ.

Ugu dambayn, kulanka ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa oo ah in lawada shaqeeyo.”

Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiga KAAH waxay muujiyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta nidaamka dimuqraadiyadeed, adkaynta wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso arrimaha doorashooyinku, iyo dardargelinta geeddi-socodka doorashooyinka dalka. Is-afgaradkan ayaa loo arkaa tallaabo wax-ku-ool ah oo gacan ka geysanaysa xasilloonida siyaasadeed, kobcinta kalsoonida daneeyayaasha doorashooyinka, iyo sii ambaqaadista horumarka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.