Hargeysa (Wargeyska) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa sheegtay in hirgelinta mashaariicda horumarineed aanay suurtogal noqon karin haddii aan la helin nabadgelyo iyo iskaashi bulsho. Sidoo kale waxay tilmaantay in khibradaha laga bartay mashaariic kala duwan ay muujinayaan in mashruuc keli ahi aanu kaligiis wax walba qaban karin, isla markaana ay muhiim tahay in dhammaan dhinacyada bulshada iyo hay’aduhu si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka dalka.
Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, waxay intaas ku dartay in marar badan dadaallada horumarineed ay xoogga saaraan wax ka qabashada dhibaatooyinka jira marka ay soo baxaan, halkii hore loo sii qorshayn lahaa tallaabooyin ka hortag ah oo lagu xoojinayo nabadgelyada iyo horumarka. Sidoo kale waxay carrabka ku adkaysay in aan horumar waara la gaadhi karin haddii ay jirto nabadgelyo la’aan, maadaama amnigu yahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu dhiso adeegyada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo mashaariicda horumarineed ee qaran kasta.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaynu fahanay in mashruuc kastaa aanu kaligii suurtogal ahayn. Dadkeena waxa jira marka dhinaca bini’aadamnimada aragto xilliga xaaladaha deg deg ah ayaa la cararaa, marka nabadgaliyo darro meel ka dhacdo xiligay timaado, laakiin waa in marka horeba lagu sii talogalo mashaariicda aynu fulinaynaa inay muhiim u noqoto oo dadkeenu fahmaa nabadgaliyo la’aan in aan waxba la qaban karin, waana in la isku yimaado oo qorshe cuusb ka samaysano arrimahaas.”
Wasiirka ayaa sidan ka sheegtay shir ay maagalada Hargeyska ka daah-furtay Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland kaas oo lagu diyaarinayo qorshe-hawleedka isku-xidhka gargaarka bani’aadannimada, horumarinta iyo nabad-dhisidda (HDP Nexus Roadmap). Shirkan ayaa kulmiyey masuuliyiin ka socota hay’adaha dawladda, Qaramada Midoobay, Qaadhaan-bixiyeyaasha iyo ururrada aan dawliga ahayn, si loo dhiso hannaan mideeya dedaallada gargaarka bani’aadannimada, horumarinta iyo nabad-dhisidda.
Ujeeddada shirka ayaa ah in la helo is-afgarad iyo taageero siyaasadeed oo ku saabsan habka Qorshe-hawleedka Isku-xidhka Gargaarka Bani’aadannimada, Horumarinta iyo Nabad-dhisidda HDP Nexus, lana dejiyo habraaca shaqada, masuuliyadaha, jadwalka hirgelinta iyo qaab-dhismeedyada lagama maarmaanka u ah fulinta qorshaha.
Muddada shirku socdo ayaa lagu falanqayn doonaa qaab-dhismeedyada jira, caqabadaha hortaagan isku-duwidda hawlaha, baahiyaha farsamo iyo hababka ugu habboon ee lagu xoojin karo wada-shaqaynta hay’adaha kala duwan. Sidoo kale, waxa la isla meel dhigi doonaa mabaadi’da hagaysa geeddi-socodka, mudnaanta hawlaha iyo masuuliyadaha dhinacyada ay khusayso. Dowladda Somaliland ayaa muhiimad weyn siinaysa hirgelinta habkan isku-xidhka ah si loo helo xalal waara oo kor u qaada adkaysiga bulshada, horumarka dalka iyo nabad waarta.




















