Xanuunka Dhiigkarka, Astaamaha, Sababaha iyo Daawooyinkiisa

0
118

Barnaamijkeena caafimaadka ee todobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona xanuunka dhiikarka, astaamihiisa, sababaha iyo dawooyinkiisa. Caafimaadku waa tiirka ugu muhiimsan ee nolosha aadanaha, waxaana ka mid ah cudurrada saameynta weyn ku leh bulshada xanuunka dhiigkarka.  Dhiigkarku waa xaalad uu cadaadiska dhiiggu ku socdo xididdada dhiigga ka bato heerkii caadiga ahaa.

Waa cudur si tartiib ah u kobca, mararka badanna aan lahayn calaamado muuqda, taasoo sababta in loogu yeedho dilaa aamusan. Haddii aan si habboon loo ogaan ama loo daaweyn, wuxuu horseedi karaa dhibaatooyin waaweyn sida wadne xanuun, faalig ama istaroog iyo shaqo gabka kelyaha.  Sidaas darteed, fahamka cudurkan iyo ka hortaggiisu waa arrin muhiim u ah qof kasta.

Waa Maxay Dhiigkar?

Dhiigkarku waa marka cadaadiska dhiiggu si joogto ah uga sarreeyo heerka caadiga ah. Dhiigga ayaa si joogto ah ugu wareega jidhka iyadoo wadnuhu riixayo, waxaana cadaadiska uu dhiiggu saaro darbiyada xididdada dhiigga loo yaqaan cadaadiska dhiigga. Marka cadaadiskan uu muddo dheer sareeyo, waxaa la yidhaahdaa qofku wuxuu qabaa dhiigkar.

Sababaha Dhiigkarka.

Waxaa jira sababo badan oo keeni kara dhiigkar, qaar ka mid ah waxay la xidhiidhaan hab-nololeedka qofka, halka kuwo kalena ay ka yimaadaan cudurro kale.  Sababaha ugu badan waxaa ka mid ah cunista milix badan, cayilka, dhaqdhaqaaq la’aanta, walbahaarka joogtada ah, sigaarka iyo taariikh qoys oo cudurkan leh. Sidoo kale cudurrada kelyaha, macaanka iyo qaar ka mid ah daawooyinka ayaa sababi kara dhiigkar.

Astaamaha Dhiigkarka

Dadka badankood ma dareemaan calaamado muuqda marka hore, balse marka uu dhiigkarku sii bato waxaa laga yaabaa inay soo baxaan calaamado ay ka mid yihiin madax xanuun, dawakh, daal badan, aragga oo daciifa, wadne garaac aan caadi ahayn, neefsashada oo ku adkaata, iyo dhiig sanka ka yimaada.  Mararka qaarkood qofku wuxuu ogaan karaa inuu dhiigkar qabo markii ay dhacaan dhibaatooyin halis ah sida istaroog ama wadne xanuun.

Dhibaatooyinka Dhiigkarka

Haddii aan la xakameyn, dhiigkarku wuxuu dhaawac u geysan karaa xubno badan oo jidhka ka mid ah.  Wuxuu kordhiyaa khatarta wadne xanuunka iyo wadne istaagga, wuxuu dhaawici karaa xididdada maskaxda taasoo keenta istaroog, sidoo kale wuxuu saameyn karaa shaqada kelyaha iyo aragga indhaha.  Sidaas darteed waa cudur u baahan in si joogto ah loo la socdo.

Daaweynta Dhiigkarka

Daaweynta dhiigkarku waxay ku salaysan tahay laba arrimood, isbeddelka hab-nololeedka iyo isticmaalka daawooyinka.  Qofka qaba dhiigkar waxaa lagula talinayaa inuu yareeyo milixda cuntada, sameeyo jimicsi joogto ah, ilaaliyo miisaan caafimaad leh, joojiyo sigaarka, isla markaana helo hurdo ku filan.  Haddii tallaabooyinkaas keligood ku filnaan waayaan, dhakhtarku wuxuu qori karaa daawooyin lagu xakameeyo cadaadiska dhiigga.

Ka Hortagga Dhiigkarka

Ka hortagga dhiigkarku waa habka ugu wanaagsan ee lagu yarayn karo khatartiisa. Waxaa muhiim ah in la cuno cunto caafimaad leh oo ay ku badan yihiin khudaarta iyo midhaha, la yareeyo cuntooyinka dufanka iyo milixda badan, la sameeyo jimicsi joogto ah, lagana fogaado sigaarka iyo waxyaabaha kale ee caafimaadka waxyeelleeya.  Sidoo kale waxaa muhiim ah in si joogto ah loo cabbiro cadaadiska dhiigga si loo ogaado isbeddel kasta oo dhaca.

Gaba’gabaddii.

Gabagabadii, dhiigkarku waa cudur aad u faafay oo saameyn weyn ku leh caafimaadka bulshada. Inkastoo mararka qaar aanu lahayn calaamado muuqda, haddana wuxuu sababi karaa dhibaatooyin halis ah haddii aan la daaweyn.  Fahamka sababihiisa, ogaanshaha astaamihiisa, iyo raacitaanka hab nololeed caafimaad leh ayaa door weyn ka qaata xakamayntiisa.

Sidaas darteed, qof kasta waa inuu taxaddar gaar ah siiyaa caafimaadkiisa, isla markaana si joogto ah u hubiyaa cadaadiska dhiiggiisa si uu uga badbaado khataraha cudurkan.