Boqorka Zulu ee Koonfur Afrika ayaa muujiyay “murugo” qoto dheer iyo qoomamo ka dib markii la soo daayay muuqaal uu ka duubay isaga oo aflagaado badan ku tuuraya mid ka mid ah xaasaskiisa.
Muuqaalkan oo si weyn loo wadaagay Arbacadii, Boqor Misuzulu kaZwelithini wuxuu ku hanjabay inuuficil ahaan u weerari doono Boqoradda Nomzamo Myeni, wuxuuna ku eedeeyay inay xidhiidh la leedahay cid aanu magacaabin, wuxuuna sheegay inuu doonayo in guriga laga saaro.
Boqoraddu ayaa u muuqatay ilaa dhammaadka muuqaalka, waxaana la rumaysan yahay in ay tahay qofka duubay muuqaalka. Intii aan la daawan muuqaalka waxay tidhi: “Tani waa nolosha aan ku noolahay, habeen iyo maalinba”.
Jimcihii, bayaan ka soo baxay xafiiska boqorka ayaa lagu sheegay inuu aqoonsaday in in qarax hadakliisa cadhada leh uu sababay “xannuun” iyo “ceeb” ka dhex dhacay dadka boqortooyada iyo guud ahaan qowmiyadda ballaadhan ee Zulu oo boqorku ka soo jeedo.
“Waa muhiim in la caddeeyo in duubitaanku ay yihiin kuwo taariikhi ah oo aan matalin duruufaha hadda jira ee ka jira Aqalka Boqortooyada,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka.
Muuqaalka, Boqor Misuzulu wuxuu ku dhaleeceeyay xaaskiisa, oo uu guursaday bishii Nofeembar ee la soo dhaafay, inay safarro tagtay iyada oo aan ogolaansho ka haysan.
“Waxay halkaas joogtaa iyada oo aan ogolaansho iga haysan. Markaad xaas tahay, waxaad weydiisanaysaa ogolaansho. Ugu yaraan u sheeg ninkaaga,” ayuu ku yidhi boqoradda, oo ah xaaskiisa saddexaad.
Waxa la arkayey isaga oo si isdaba joog ah u aflagaadaynaya boqoradda, ugu danbayntii wuxuu ku yidhi: “Waxaan rabaa inaad baxdo,”, isaga oo qolka ka baxaya.
Lama cadda cidda muuqaalka u baahisay dadweynaha.
War-saxaafadeedka ka soo baxay qoyska boqortooyada ayaa lagu xusay in maalintii muuqaalka la baahiyay, boqorka iyo boqoradda ay hawshooda si caadi ah u wateen oo ay qaabilayeen koox siyaasiyiin ah oo qayb ka ah waajibaadkooda rasmiga ah.
Bayaanku wuxuu intaas ku daray in “duruufaha adag” ee lagu duubay muuqaalka lagu beddelay “dib-u-heshiisiin” iyo “milicsi”.
Muuqaalkan ayaa sababay kala qaybsanaan xooggan oo ka jirta baraha bulshada – qaar ayaa ku eedeeyay boqorka inuu muujiyay dhaqan xadgudub iyo sharaf darro ah, halka kuwa kalena ay ku dhaleeceeyeen boqoradda inay si dadban u baahisay arrimaha gaarka ah.
Saxafiyad Koonfur Afrikaan ah oo lagu magacaabo Asanda Magaqa ayaa sheegtay in inkasta oo aysan cidna ku dhiiri gelin inay duubto daqiiqado gaar ah, haddana “daawashada muuqaalkaas, waan fahmay sababta ay u dareentay inay ku qasban tahay inay duubto”.
“Haweeneyna uma qalanto inay sidaas u noolaato,” ayay ku qortay baraha bulshada ee X.
Muuqaallada ayaa sidoo kale muujinayay boqorka oo sheegaya inuu boqor noqday isaga oo adeegsanaya sixir. Caleemo-saarka Boqor Misuzulu wuxuu yimid ka dib khilaaf qoys oo sanad socday , iyada oo qaar ka mid ah qoyska boqortooyada ay ku doodayaan inuusan ahayn dhaxalka saxda ah iyo in dardaaranka aabihiis la been abuuray.
Bulshada Zulu waa mid aad u jecel ragga, iyada oo haweenka badanaa laga filayo inay u hoggaansamaan caadooyinka jinsiga ee dhaqanka.




















