Hargeysa (Dawan) Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qabtay kulan muhiim ah oo lagaga hadlay hirgelinta Kormeerka ku salaysan khataraha (Risk-Based Supervision) iyo hagayaasha kormeerka maaliyadeed, kuwaas oo qayb ka ah qorshaha Baanka ee lagu casriyeynayo nidaamka kormeerka hay’adaha maaliyadeed iyo xoojinta xasilloonida suuqa maaliyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan waxa ka soo qayb galay Gudoonka Goleyaasha sare ee baananka Madaxa bannaan, Xubnaha Golaha Agaasinka ee Baanka Dhexe, Xoghaynta Guddoonka Golaha sare ee baannanka Madaxa banaan iyo Agaasimayaasha fulinta ee baananka Madaxa bannaan ee ruqsadda ka haysta Baanka dhexe ee Somaliland.
Kulanka waxa furay Guddoomiyaha Baanka Dhexe JSL, Mudane Cabdinaasir Axmed Xirsi, oo soo bandhigay himilada casriyeynta Baanka, qorshaha dib-u-habaynta qaybta kormeerka hay’adaha maaliyadeed ee Baanka dhexe Somaliland iyo u gudbidda nidaamka Kormeerka ku salaysan Khataraha, si loo xoojiyo xasilloonida maaliyadeed, loona adkeeyo maamul hufan isla markaana loo dhiso kalsoonida bulshada.
Intii uu kulanku socday, waxa Qaybta Korjoogtaynta Hay’adaha Maalyadeed ee Baanka Dhexe soo bandhigtay qaab-dhismeedka cusub ee korjoogtaynta Khay’adaha maaliyadeed ee ku salaysan hataraha, habraacyada cusub ee maaraynta khataraha iyo Hagayaasha Maaliyadeed, iyadoo si faahfaahsan loogu sharraxay doorka hay’adaha maaliyadeed ee hirgelinta isbeddelladan.
Qodobadii muhiimka ahaa ee kulanka waxa ka mid ahaa:
– Hirgelinta nidaamka Korjoogtaynta ku salaysan Khataraha hay’adaha maaliyadeed.
– Soo bandhigista hageyaasha maaliyadeed iyo habraacyadda cusub ee maamulka khataraha.
– Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Baanka dhexe ee Somaliland iyo hay’adaha maaliyadeed.
– Kor u qaadista tayada kormeerka, iyo xasilloonida suuqyadda maaliyadeed.
– Diyaarinta tababaro farsamo iyo hirgelinta habraacyada cusub ee kormeerka.
Gebogabadii kulanka oo uu soo xidhay, Guddoomiye-ku-xigeenka Baanka Dhexe ee JSL Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre, isaga oo ku adkeeyey hay’adaha maaliyadeed sida ay uga go’an tahay Baanka dhexe ee Somaliland hirgelinta nidaamka korjoogtaynta ku salaysan Khataraha iyo sii wadidda dib-u-habaynta lagu casriyeynayo nidaamka kormeerka bangiyada, si loo xaqiijiyo hannaan maaliyadeed oo ammaan ah, hufan, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.




















