Madaxweynaha oo Dhagax-dhigay Mashruuca Dhismaha Suuqa Casriga ah ee Idaacada
“Dib-u-dhiska Suuqyaddu Waa Tiirka Koboca Dhaqaalaha Qaranka” Madaxweyne Cirro
Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale muujiyey sida ay xukuumaddiisu uga go’an tahay taageeridda ganacsatada, horumarinta kaabeyaasha ganacsiga iyo dardargelinta soo kabashada dhaqaalaha dalka, isaga oo si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska Suuqa Casriga ah ee Idaacadda ee magaalada Hargeysa. Suuqan ayaa dab xooggan ku baaba’ay horraantii sannadkii 2025, taas oo saamayn ballaadhan ku yeelatay ganacsatadii iyo dhaqdhaqaaqii ganacsi ee deegaanka.
Dhagax-dhigga mashruucani maaha oo keliya bilowga dhismaha suuq cusub oo casri ah, balse waa astaan muujinaysa sida ay xukuumadda wadajir iyo waxqabad uga go’an tahay dib-u-soo-kabashada dhaqaalaha, ilaalinta danaha ganacsatada iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah koboca ganacsiga iyo dhaqaalaha. Waa fariin cad oo tilmaamaysa sida xukuumadda Somaliland ugu diyaarsan tahay in ay caqabadaha iyo masiibooyinka u beddesho fursado horumarineed, isla markaana aanay u ogolaan doonin inay hakiyaan horumarka dalka iyo hiigsiga qaranka. Dib-u-dhiska Suuqa Idaacaddu wuxuu tusaale u yahay sida dib-u-soo-kabashada loogu beddeli karo casriyeyn, koboc dhaqaale iyo horumar waara oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada iyo himilooyinka mustaqbalka ee Somaliland.
Dabkii ba’naa ee haleelay Suuqa Idaacadda wuxuu saameeyey boqollaal ganacsato ah iyo qoysaskooda, isagoo hakiyey dhaqdhaqaaqii ganacsi ee suuqa Idaacadda oo qayb muhiim ah ka ahaa kobaca dhaqaalaha caasimadda. Sidaa darteed, dib-u-dhiska suuqani wuxuu ka dhigan yahay soo celinta fursadaha shaqo, kobcinta dhaqaalaha gudaha iyo dib-u-soo-nooleynta kalsoonida ganacsiga.
Khudbaddii Madaxweynaha ee munaasabadda ayaa xoojisay mabda’a ah in Xukuumadda Somaliland ay garab iyo gaashaan u tahay hacabkeeda xilliyada adag, isla markaana ay hormuud ka tahay qorsheyaasha dib-u-dhiska iyo horumarinta ganacsatada iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland. Aragtidani waxay muujinaysaa in maalgelinta kaabeyaasha ganacsigu aanay ahayn hawl dhisme oo keliya, balse ay tahay istaraatijiyad dhaqaale oo lagu dhiirrigelinayo wax-soo-saarka, shaqo-abuurka, maalgashiga iyo koboca ganacsiga maxaliga ah.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhulka danta guud, isaga oo tilmaamay in qorshaynta magaalooyinka casriga ahi ay ku xidhan tahay dhowrista goobaha loogu talagalay adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed. Sida uu sheegay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirr, ilaalinta hantida guud waxay fududaynaysaa koboc magaalo oo nidaamsan, bilicsan isla markaana waara.
Dhanka kale, dardaaranka loo jeediyey ganacsatada ee ku saabsan ilaalinta nadaafadda, tayada adeegyada iyo hantida guud wuxuu xambaarsanaa farriin muhiima oo ah in suuq casri ahi aanu ku koobnayn dhismayaal qurux badan, balse uu u baahan yahay dhaqan ganacsi oo ku dhisan masuuliyad, hufnaan iyo ilaalinta deegaanka ganacsiga. Arrimahaasi waxay sare u qaadaan kalsoonida macaamiisha, tartanka suuqyada iyo sumcadda ganacsiga Somaliland.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay in cashuuruhu yihiin laf-dhabarta horumarka qaranka. Dakhliga ka soo xarooda cashuuraha ayaa suurtageliya maalgelinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha, waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada. Sidaa awgeed, bixinta cashuuraha waajibka ahi waa masuuliyad qaran oo door weyn ka qaadata dhismaha iyo horumarka dalka. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka ugu baaqay inay adkeeyaan ilaalinta amniga, xasilloonida iyo wadajirka bulshada, maadaama ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee koboca dhaqaalaha, dhiirrigelinta maalgashiga iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee qaranka.
Guntii iyo gabagabadii, dhagax-dhigga Suuqa Casriga ah ee Idaacaddu wuxuu astaan u yahay bilow cusub oo isku xidhaya dawladnimada, ganacsiga iyo bulshada. Sidaa darteed mashruucan oo hirgelintiisa lagu saleeyay nidaam hufan, qorsheyn casri ah iyo iskaashi dhab ah oo dhex maray xukuumadda iyo ganacsatada ayaa noqon doona tusaale muujinaya sida ay Somaliland uga gudbi karto caqabadaha iyadoo u beddelaysa fursado horseeda koboc dhaqaale, horumar waara iyo magaalooyin casri ah oo u qalma himilooyinka qaranka.




















