Berbera: Madaxweynaha JSL Maalgeliyey Qodista Saddex Ceel-biyood oo Cusub oo Lagu Xoojinayo Adeegga Biyaha

0
14

Berbera (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa mar kale muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo sida ay Xukuumaddiisu mudnaanta gaarka ah u siinayso kor u qaadidda tayada nolosha shacabka. Madaxweynaha ayaa maalgeliyey mashruuca qodista saddex ceel-biyood oo cusub iyo dayactirka hal ceel oo hore u jiray, kuwaas oo lagu xoojinayo laguna ballaadhinayo adeegga biyaha ee magaalada Berbera. Mashruucan ayaa ka jawaabaya baahida sii kordhaysa ee biyaha magaalada, isla markaana qayb-weyn ka daanaya xaqiijinta helitaanka biyo nadiif ah oo joogto ah iyo horumarinta adeegyada muhiimka u ah bulshada.

Maalgelinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku bixiyey ballaadhinta adeegga biyaha magaalada xeebeedka Berbera waxay ka tarjumaysaa sida ay Xukuumaddu mudnaan u siinayso horumarinta kaabeyaasha aasaasiga u ah nolosha bulshada. Sidoo kale hirgelinta mashruucani waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaa xoojinta adeegyada bulshada, horumarinta nolosha shacabka iyo taageeridda koboca dhaqaale ee magaalada. Waxa kale oo uu muujinayaa muhiimadda ay leedahay maalgelinta kaabeyaasha biyaha oo saldhig u ah horumar waara iyo daryeelka baahiyaha bulshada.

Sidoo kale, Berbera oo ah magaalo xeebeed muhiim u ah Somaliland, kana mid ah magaalooyinka ugu koboca badan dhinacyada ganacsiga, dekedda iyo warshadaha, waxay u baahan tahay adeegyo la jaanqaadi kara horumarka iyo koritaanka bulshada. Sidaas darteed, maalgelinta kaabeyaasha biyuhu waxay saldhig muhiim ah u tahay horumar waara iyo xaqiijinta adeegyo tayo leh oo bulshada gaadha. Dhinaca kale, Bilowga mashruucan oo uu si rasmi ah u dhagax-dhigay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, wuxuu muujinayaa isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo iyo dadaalka joogtada ah ee lagu raadinayo xalal waara oo lagu daboolayo baahiyaha bulshada.

Sidoo kale, ka-qaybgalka munaasabadda dhagax-dhigga ee masuuliyiinta heer qaran iyo heer gobol, maamulka Wakaaladda Biyaha Berbera, masuuliyiinta hay’adaha muhiimka ah ee magaalada, madax-dhaqameedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa muujinaya muhiimadda uu mashruucani u leeyahay bulshada iyo horumarka magaalada Berbera. Sidoo kale, dadaalka Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha iyo maamulka Wakaaladda Biyaha Berbera ee ku aaddan gudbinta baahida shacabka iyo raadinta xalal waara ayaa mudan bogaadin, maadaama uu horseeday hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera, Khadar Cali Cilmi, ayaa bogaadiyey dadaalka Wasiirka Biyaha, isaga oo sheegay in Wasiirku si joogto ah uga shaqeeyey sidii xal loogu heli lahaa cabashada biyo-yaraanta magaalada Berbera. Waxa uu xusay in dadaalkaasi horseeday in la bilaabo qodista saddexda ceel-biyood ee cusub, kuwaas oo la filayo inay si weyn u kordhiyaan awoodda biyo-soo-saarka iyo helitaanka biyaha ee magaalada. “Wasiirka Biyuhu waxa uu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay sidii xal loogu heli lahaa cabashada biyaha Berbera. Haddii aanu farriinta gaadhsiin lahayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, maanta ma suurtogaleen in la bilaabo qodista saddexdan ceel,” ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Berbera.

Mashruucan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo muujinaysa dadaalka lagu horumarinayo adeegyada biyaha, laguna xoojinayo kaabeyaasha muhiimka u ah nolosha bulshada iyo koboca dhaqaale ee magaalada Berbera.