Hargeysa (Dawan) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdinaasir Buuni, iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in cashuurta ay bixiyaan muwaadiniintu ay tahay tiirka ugu weyn ee lagu ilaaliyo jiritaanka Somaliland muddadii 35-ka sano ahayd ee ay jirtay. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen in cashuurtu tahay laf-dhabarta dawladnimada, iyaga oo xusay in aanay jirin dawlad si hufan u shaqayn karta ama waddan horumar waara gaadhi kara haddii aan la helin dakhli cashuureed oo ku filan.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay muddo 35 sano ah, ku taagnayd dedaalka iyo isku-tashiga muwaadiniinteeda. Iyadoo aan helin aqoonsi caalami ah iyo taageero dhaqaale oo joogto ah, haddana waxay dhistay hay’ado dawli ah, iyada oo sugatay amniga, isla markaana hirgelisay nidaam dawladnimo oo dimuquraadi ah oo si joogto ah u bixisa adeegyo aasaasi ah iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Guulahaas waxa saldhig u ahaa hal tiir oo muhiim ah: cashuurta ay bixiyaan muwaadiniinta iyo ganacsatada Somaliland.
Hadallada Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Cabdinaasir Buuni, waxay si dhab ah u muujinayaan xaqiiqadaas. Isaga oo sheegay in tiirka ugu weyn ee suuro-geliyay in aynu noqono qaran jira oo shan iyo soddon sannadood six or ah ugu naalooda amni iyo xasilooni buuuxda ay tahay cashuurta aynu bixino. Wuxuu tilmaamay xaqiiqo taariikheed oo aan la dafiri karin. Qarannimadu kuma dhisna oo keliya calan, dastuur iyo xuduudo, balse waxay ku dhisan tahay awoodda dawladdu u leedahay inay isku filnaato dhaqaale ahaan.
Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Maxamed Biixi Yoonis, ayaa carrabka ku adkeeyey in cashuurtu tahay laf-dhabarta dawladnimada, isagoo xusay in aanay jirin dawlad shaqayn karta ama waddan horumar gaadhi kara haddii aan la helin cashuur. Aragtidani waxay waafaqsan tahay mabda’a dhaqaale ee dunida oo dhan laga aqoonsan yahay: dawlad kasta oo xooggan waxay ku taagan tahay dakhliga gudaha ee ay ka hesho muwaadiniinteeda.
Cashuur bixintu maaha oo keliya waajib sharci; balse waa waajib waddaniyadeed. Lacagta cashuuraha laga ururiyo ayaa lagu maalgeliyaa ciidamada qaranka ee ilaaliya nabadgelyada, macallimiinta waxbara jiilka soo koraya, dhakhaatiirta daryeela bulshada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, biyaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Muwaadinku marka uu cashuur bixiyo, wuxuu si toos ah uga qayb qaadanayaa horumarka iyo jiritaanka dalkiisa.
Maanta, iyadoo Somaliland hiigsanayso horumar dhaqaale, maalgashi iyo aqoonsi caalami ah, waxaa lama huraan ah in la xoojiyo dhaqanka cashuur bixinta. Dal isku filan dhaqaale ahaan wuxuu yeeshaa madax-bannaani siyaasadeed iyo awood uu ku qorsheeyo mustaqbalkiisa isaga oo aan ku tiirsanayn gargaar dibadeed.
Ugu dambayn, cashuurtu maaha culays lagu soo rogay bulshada; waa maalgashi ay bulshadu ku samaynayso amnigeeda, horumarkeeda iyo mustaqbalka jiilasha soo socda. Sida ay tilmaameen labada masuul ee hore, cashuurtu waa tiirka lagu ilaaliyo jiritaanka Somaliland iyo laf-dhabarta dawladnimadeeda. Sidaa darteed, xoojinta dhaqanka cashuur bixintu waxay ka dhigan tahay xoojinta qarannimada, horumarka iyo mustaqbal ifaya oo ay wada leeyihiin dhammaan muwaadiniinta Somaliland.




















