Aabaha xiddiga Liverpool iyo xulka Argentina, Alexis Mac Allister, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in Real Madrid ay diyaar u tahay inay la soo saxeexato wiilkiisa inta lagu jiro suuqa kala iibsiga.
Carlos Mac Allister ayaa sheegay in aanay jirin wax xidhiidh rasmi ah oo dhex maray qoyskiisa iyo mas’uuliyiinta Real Madrid, isagoo carrabka ku adkeeyay in wararka la faafiyay in aanay waxba ka jirin.
“Wali lamaanaan hadlin wax mas’uul ah oo ka socda Real Madrid. Waxa la isla dhex marayo ee sheegaya inaan wada-hadallo la yeelannay Real Madrid waa wax aan sax ahayn,” ayuu yidhi Carlos Mac Allister.
Maalmihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay warar sheegayay in Real Madrid ay xiisaynayso saxeexa Mac Allister, iyadoo loo arkayay inuu yahay mid ka mid ah bartilmaameedyada kooxda ee lagu xoojinayo khadka dhexe.
Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo baxay aabaha ciyaaryahanka ayaa u muuqda mid meesha ka saaraya mala-awaalkaas, isagoo caddeeyay in aanay ilaa hadda jirin wax wadahadal ah oo ku saabsan mustaqbalka xiddiga Liverpool.
Alexis Mac Allister ayaa weli qandaraas kula jira Liverpool, wuxuuna door muhiim ah ka ciyaaray kooxda iyo xulka Argentina. Inkastoo xiisaha kooxaha waaweyn ee Yurub uu sii kordhayo, mustaqbalkiisa ayaa weli u muuqda inuu yaallo garoonka Anfield ilaa ay soo baxaan wada-hadallo rasmi ah.




















