Warbixin Caalami ah oo soo Bandhgtay Bisaylka Siyaasaddeed iyo Awoodda Hay’addaha Dawlada Somaliland

0
60

E-International Relations: “Casharradda Laga Baran Karo dowlad-dhiska iyo Jidka Dimuqraadiyada Taalla JSL”

 Warbixin Soo Bandhigtay Maamul-wanaaga Dawladnimda Somaliland iyo Waayo-aragnimadda Nabad-dhiska”

Hargeysa (Dawan) Warbixin caalami ah oo lagu daabacay warbaahinta E-International Relations ayaa lagu sheegay in Somaliland ay ka mid tahay meelaha ugu xasilloon uguna horumarsan dhinaca dimuqraadiyadda ee Geeska Afrika. Warbixintu waxay tilmaantay in waayo-aragnimada Somaliland ay tahay tusaale muujinaya sida isku-tashiga bulshada iyo dedaaladdas siyaasadeed ee maxaliga ah loogu dhisi karo nabad, dimuqraadiyad iyo hay’ado dowladeed shaqaynaya. Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay ku guulaysatay inay muddo ka badan soddon sano si joogto ah u qabato doorashooyin tartan leh, isla markaana ay xaqiijiso kala-guur nabadeed oo dhinaca awoodda ah.

 

Warbixinta oo uu qoray Martin Duffy, oo ka mid ahaa kormeerayaashii caalamiga ahaa ee doorashadii madaxtooyada Somaliland ee 13-kii Nofeembar 2024, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay samaysatay nidaam siyaasadeed oo deggan oo ku salaysan amni iyo xasillooni, taas oo ka duwan xaaladaha siyaasadeed ee ka jira qaybo badan oo gobolka ah. Mr. Duffy waxa uu soo xigtay falanqeeyayaal caalami ah oo ku tilmaamay geeddi-socodka doorashada Somaliland ee sida nabaddas ah la isugu wareejiyo awoodda ay sii xoojiyeen sumcadda Somaliland ee ah meel ka mid ah meelaha ugu xasilloon uguna dimuqraadiyadda wanaagsan Geeska Afrika.

Warbixintu waxay si qoto dheer u falanqaysay doorashadii madaxtooyada Somaliland ee sannadkii 2024, taas oo noqotay dhacdo muhiim ah oo sii xoojisay sumcadda Somaliland ee dhinaca dimuqraadiyadda iyo ixtiraamka rabitaanka shacabka. Sida Martin Duffy, ku sheegay warbixintiisa Doorashadu waxay ahayd tii afraad ee madaxtooyo Somaliland tan iyo 1991, taas oo ay ka qayb galeen in ka badan hal milyan oo codbixiyeyaal ah oo ka codeeyay in ka badan laba kun oo goobood oo codbixineed. Waxaana lagu sheegay warbixinta “Doorashadii madaxtooyada ee 2024 waxay ahayd tii afraad ee madaxtooyo tan iyo 1991. In ka badan hal milyan oo codbixiyeyaal ah ayaa ka qayb qaatay, iyagoo ka codeeyay in ka badan laba kun oo goobood oo codbixin ah.”

Warbixin caalami ah oo Wargeyska Dawan ka soo xigtay E-International Relations waxa kale oo ay intaasi raacisay

“Natiijada doorashada ayaa muujisay guul weyn oo uu gaadhay musharraxa xisbigii mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), halka madaxweynihii xilka hayay, Muuse Biixi Cabdi, uu aqbalay natiijada doorashada. Tallaabadaasi waxay horseeday kala-guur nabadeed oo dhinaca awoodda ah, taas oo ahayd astaan muujinaysa bisayl siyaasadeed iyo ixtiraamka nidaamka dimuqraadiyadeed Isla markaana si weyn u sii xoojisay sumcadda Somaliland ee ku aaddan ixtiraamka rabitaanka shacabka.”

Martin Duffy waxa uu si gaar ah u ammaanay doorka Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland (NEC), isaga oo ku tilmaamay hay’ad ku suntan hufnaan, madax-bannaani iyo kalsoonida shacabka. Warbixintiisa ayuu ku sheegay in guddigu door muhiim ah ka qaatay hirgelinta doorasho xor ah oo nidaamsan, isagoo si hufan u maamulay habraacyadii doorashada, isla markaana suura-galiyay in guud ahaan hawlgalka doorashadu ku dhammaado si guul leh. Duffy wuxuu xusay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku noqday tiir muhiim u ah xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dimuqraadiyadda Somaliland, isagoo helay kalsoonida shacabka iyo qaddarinta kormeerayaasha caalamiga ah.

Warbixintu waxay tilmaantay in ololihii doorashada uu ku salaysnaa tartan siyaasadeed oo ku saabsan horumarinta mustaqbalka Somaliland. Isaga oo tilmaamay in Musharraxiintii u tartamayey kursiga madaxtinimada Somaliland ay soo bandhigeen aragtiyo kala duwan oo la xidhiidha dimuqraadiyadda, dib-u-habaynta maamulka, midnimada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo raadinta aqoonsi caalami ah. “Doorashadu sidoo kale, waxay muujisay in shacabka Somaliland ay si nabad ah ugu tartami karaan jihada siyaasadeed ee ay doonayaan, iyadoo aanay dhicin rabshado ka dhasha natiijada doorashada,” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Gunaanad

Marka la eego qiimeynta uu soo bandhigay Martin Duffy, Somaliland waxay sii xoojisay sumcaddeeda ku aaddan dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo kala-guurka nabadeed ee awoodda. Doorashadii 2024 waxay muujisay bisayl siyaasadeed, hay’ado shaqaynaya iyo bulsho awood u leh inay si nabad ah u maamusho tartanka siyaasadeed. Warbixintu waxay ku soo gabagabaynaysaa in waayo-aragnimada Somaliland ay tahay tusaale muhiim ah oo lagu baranayo dowlad-dhis, nabad-dhis iyo horumarinta dimuqraadiyadda Geeska Afrika, iyadoo guulahaas lagu gaadhay dadaal gudaha ah, wada-tashi bulsho iyo dhismaha hay’ado qaran.