Roomaanka Iyo Ninkii Jinka Ahaa!

0
9

Sheekh Muslinka ah ee Ibnu Taymiyah waxa uu sheegay dhacdo la xidhiidha nin ka mid ahaa madaxda Roomaanka oo dagaal galay, ka dibna ciidankiisii ka lumay. Ninkaasi anbadka ahaa waxa uu ku dhex wareegayay deegaan cidlo ah isagoo gaajo iyo harraad la il daran..

Isagoo dhibtu haysto waxa  uu la kulmay nin u yimid, kaasi oo usoo bandhigay inuu  Islaamka qaato.

Ninkii Roomaanka ahaa wuu aqbalay oo Muslim ayuu noqday. Markii uu weydiiyay ninka “ Adigu kumaad tahay , waxaa uu ugu jawaabay waxaan ahay “ Ibnu Taymiyah”.

Arrintan ayaa markii dambe ay soo gaadhsiiyeen dad yaqaanay Ibnu Taymiyah, oo u sheegay in arinkaasi dhacay,  waxaana la ogaaday in xilligaasi uu ninku sheegayo ee uu Islaamay in Ibnu Taymiyyah uu xidhnaa oo jeelka ku jiray.

Ibnu Taymiya ayaa yidhi “ Ninkaasi waa uu ahaa Jinni islaam ah oo wanaagsan oo arkay sida aanu dadka islaamka ugu yeedhi jiray, markaasina ku dayday ficilkayagii “ Kitaabka:Majmuuctu Al-Fatawa.  Juz: 11, Boogga 308- 309