Natiijada Imtixaannada Shahaadigga ah oo La Shaaciyay iyo Madaxweynaha oo Bogaaddiyay Ardayda Guulaysatay

0
17

Qore Sacad Xarbi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan ardayda reer Somaliland ee ku guulaysatay Imtixaannadii Shahaadiga ahaa ee fasallada 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasallada 4-aad ee dugsiyada sare ee dalka Somaliland. Isaga oo tilmaamay in guusha ardaydu ay tahay guusha qaranka Somaliland.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ardayda ku guulaysatay Imtixaannadii Shahaadiga ahaa ee dalka ku ammaanay dadaalkooda, adkaysigooda iyo guusha ay gaadheen, isaga oo si gaar ah ugu hambalyeeyay waalidiinta iyo macallimiinta muddada dheer garab taagnaa ardayda, kana qayb qaatay diyaarintooda iyo horumarkooda waxbarasho.

Madaxweynuhu waxa uu ardayda gudubtay kula dardaarmay in guusha ay maanta gaadheen aanay ahayn dhammaadka safarkooda aqooneed, balse ay tahay bilowga marxalad cusub oo u baahan dadaal dheeraad ah, kalsooni, hal-abuur iyo himilo sare. Waxa uu u rajeeyay ardayda mustaqbal wanaagsan, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay aqoontooda iyo kartidooda ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay diyaarinta, hirgelinta, sixitaanka iyo soo saarista natiijooyinka Imtixaannada Shahaadiga ah ee dalka, taas oo ah wax lagu faano isla markaana Illaahay loogu mahad-naqo.

Dhanka kale, natiijada Imtixaannada Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026, ee fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe iyo fasallada 4-aad ee dugsiyada sare, ayaa shalay oo ku beegnayd 25-ka Agoosto 2026 si rasmi ah loogaga dhawaaqay xarunta Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka ee Gobollada Bari ee magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Munaasibadda lagu shaaciyay natiijada ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasiirka Wasaaradda Dawladaha Hoose, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Duqa Degmada Burco, agaasime-waaxeedyada Wasaaradda Waxbarashada, guddoomiyeyaasha waxbarashada ee gobollada, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye-ku-xigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, iyo marti-sharaf kale.

Shaacinta natiijada imtixaannadu waxay calaamad u tahay dhammaadka marxalad waxbarasho oo muhiim ah iyo bilowga mid cusub oo ay ardaydu u gudbayaan heerar ka sarreeya. Guusha ardaydu gaadheenna waxay mudan tahay in loo arko guul ay wada leeyihiin ardayda, waalidiinta, macallimiinta iyo guud ahaan bulshada Somaliland. Guusha waxbarashadu waa maalgelin mustaqbalka ah; jiilka maanta wax bartaa waa jiilka berri hoggaamin doona, horumarin doona, isla markaana aqoontiisa ugu adeegi doona bulshada iyo qaranka Somaliland.