Nin Maalin Kasta Geed Beerayay!

0
7

Natiitada Go’aanka Adag

Buugga “ The Man Who Planted Trees” , waxa ku jira qisada ninka lagu magcaabo Elzéard Bouffier, oo wakhtigiisa inta badan ee maalinta ah ku bixiyay beerista geedo badan meelo dhulkeedu qallalay oo cidlo ahaa.

Maalin kasta wuxuu beerayay iniinyo, inkastoo markii hore aanay jirin cid aragta natiijada. oo aad loola yaabana, haddana muddo dheer ka dib, dhulkii qallalay wuxuu isu beddelay meel cagaaran oo nolol iyo biyo leh. Buuggu wuxuu muujinayaa sida dadaalka hal qof oo joogto ahi u beddeli karo deegaan dhan. Waxaad maanta beeraysaa wax laga yaabo in berri dad badan oo kale ka faa’iidaystaan.