Niyad- Jabka Ayuu Guul U Bedelay!

0
7

Ciyaartowga kubbada kolyga caanka ku ahaa ee dalka Maraykanka ah Michael Jordan, markii uu ahaa wiil da’yar oo dhigta dugsiga sare, wuxuu jeclaa kubbadda kolayga, waxaana uu ku riyoon jiray inuu noqdo ciyaaryahan weyn oo caan ah.

Laakiin markii uu isku dayay inuu daro xulka kooxda dugsiga sare ee varsity-ga ee uu dhiganayay, Dhacdadaasi aad ayay u saamaysay, halkii uu niyad-jabi lahaa oo uu jooojin ciyaaraha kubbad kolyga, Jordan wuxuu go’aansaday inuu si ka badan u tababarto oo xirfadiisa ciyaareed kor u qaado isla markaana horumariyo.

Markii dambe waxa lagu daray kooxda, waxaana soo jiitay kartidiisa tababarayaashii iyo jaamacadihii. Sanado ka dib, wuxuu noqday xiddig ka tirsan , kuwa ugu caansan dalka Maraykanka. Waxa uu ku guuleystay lix horyaal oo NBA ( tartarnka horyaalada kubbada kolayga), isagoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyga ugu caansan taariikhda kubbadda kolayga dalkaasi.

Waxa qisadiisa ugu weyn laga baran karaa ma aha oo keliya koobabkii uu qaaday, balse waa sida uu diidmo iyo niyad-jab ugu beddelay dadaal.