Hargeysa (Dawan) Taariikhda horumarka hay’adaha maaliyadeed iyo qorshaynta istaraatiijiyadeed ee Somaliland waxa ku suntan aqoonyahanno iyo khubaro door muuqda ka qaatay dhismaha hay’adaha, tayaynta maamulka iyo dejinta jihada mustaqbalka. Waxaa ka mid ah Prof. Eid Ali Ahmed, oo aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo khibraddiisa xirfadeed si mutadawacnimo ah ugu adeegay horumarinta hay’adaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada bangiyada, maamulka, qorshaynta istaraatiijiyadeed iyo horumarinta awoodda hay’adaha dawliga ah.
Mid ka mid ah waxqabadkiisa ugu mudan in lagu xuso taariikhda Somaliland waa kaalintii uu ka qaatay diyaarinta iyo dejinta Qorshaha Ista…
Axmed Maxamed: Qorshe Taariikhi ah: Prof. Eid Ali Ahmed iyo Horumarinta Baanka Somaliland iyo Hay’addaha Maaliyadda Dalka
Hargeysa (Dawan) Taariikhda horumarka hay’adaha maaliyadeed iyo qorshaynta istaraatiijiyadeed ee Somaliland waxa ku suntan aqoonyahanno iyo khubaro door muuqda ka qaatay dhismaha hay’adaha, tayaynta maamulka iyo dejinta jihada mustaqbalka. Waxaa ka mid ah Prof. Eid Ali Ahmed, oo aqoontiisa, waayo-aragnimadiisa iyo khibraddiisa xirfadeed si mutadawacnimo ah ugu adeegay horumarinta hay’adaha qaranka, gaar ahaan dhinacyada bangiyada, maamulka, qorshaynta istaraatiijiyadeed iyo horumarinta awoodda hay’adaha dawliga ah.
Mid ka mid ah waxqabadkiisa ugu mudan in lagu xuso taariikhda Somaliland waa kaalintii uu ka qaatay diyaarinta iyo dejinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Baanka Somaliland 2018–2022, kaas oo lagu tilmaamay qorshihii istaraatiijiyadeed ee ugu horreeyay ee Baanku yeesho. Qorshahani waxa uu noqday tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo hannaanka qorshaynta, maamulka iyo jihaynta hawlaha Baanka. Prof. Eid waa khabiir isku-darka aqoonta jaamacadeed, waayo-aragnimada bangiyada caalamiga ah iyo khibradda uu u leeyahay maamulka iyo horumarinta hay’adaha.
Qorshahan dejinta Istaraatiijiyadda Baanka Dhexe ee Somaliland waxaa sidoo kale barbar socday qorshe ballaadhan oo Professor Eid ku tababaray 17 agaasime oo ka tirsan Baanka Dhexe si ay qayb uga noqdaan hirgelinta iyo fulinta qorshahan oo dejiyey jihada, himilada iyo yoolalka Baanka muddo shan sano ah, isaga oo xoogga saaray xasilloonida lacagta iyo maaliyadda, horumarinta nidaamka maaliyadeed iyo kobaca dhaqaale ee waara. Waxa kale oo uu hiigsanayey in Baanka Somaliland loo horumariyo Bangi Dhexe oo casri ah oo hufan. Munaasibaddii daah-furka, Prof. Eid waxa uu carrabka ku adkeeyey in xasilloonida lacagta iyo maaliyaddu muhiim yihiin, balse ay u baahan yihiin in lagu daro dib-u-habayn dhaqaale, kala-duwanaanshaha dhaqaalaha, shaqo-abuurka, yaraynta faqriga iyo koboc dhaqaale oo waara.
Himilada Prof: Eid ee Casriyeynta Baanka Somaliland
Mid ka mid ah himilooyinka qorshuhu waxa uu ahaa in Baanka Somaliland loo horumariyo Bangi Dhexe oo casri ah, iyadoo la xoojinayo maamulka, shaqaalaha, tiknoolajiyadda, nidaamka lacag-bixinta, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta. Prof. Eid kuma koobnaan diyaarinta qorshaha oo keliya, balse waxa uu sidoo kale tababar iyo wacyigelin siiyey maamulayaasha sare iyo shaqaalaha Baanka. Tababarkan oo ay ka faa’iidaysteen 17 agaasime. Waxa uu isku daray qorshayn, talo-bixin, tababar iyo dhisidda awoodda hay’adeed, taas oo ka dhigtay kaalintiisa mid ka ballaadhan diyaarinta qorshe istaraatiijiyadeed.
Prof. Eid waxa uu si gaar ah ugu mahadnaqay Mohamed Abdi Ibrahim, Guddoomiyihii Baanka iyo Cumar Moxamed Yusuf Booh (AHN) oo ahaa Guddoomiye-ku-xigeenkii xiligaas, iyo Cabdillaahi Xasan Aadan isla markaan ahaa Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe xiligii la dejinayay Istaariijiyadda Baanka imikana ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JS isaga oo Prof Eid xusay kaalintii muhiimka ahayd ee ay ka qaateen hirgelinta iyo fududaynta qorshahan horumarineed.
Aqoonsigii iyo mahadnaqa Bangiga Dhexe
Kaalinta Prof. Eid waxa si rasmi ah u aqoonsaday Bangiga Dhexe ee Somaliland. 1-dii November 2017, waxaa Prof. Eid la guddoonsiiyay shahaado mahadnaq ah oo lagu muujiyay qaddarinta kaalintii uu ka qaatay diyaarinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee ugu horreeyay ee Baanka, 2018–2022. Shahaadadaas oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Cabdi Ibraahim, waxay noqotay dukumenti taariikhi ah oo xusuus u ah waxqabadka Prof. Eid.
Prof Eid: Aqoonyahan isku daray aqoon iyo waxqabad
Prof. Eid Ali Ahmed waxa uu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa caalamiga ah ugu beddelay adeeg iyo waxqabad hay’adeed oo uu ugu adeegay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada bangiyada, maamulka iy…




















