Madaxweynaha Somaliland oo u Safraya Washington D.C. Xili oo Indhaha Lagu Hayo Aqoonsigga USA” i24NEWS

0
36

Dr. Cirro oo Booqanaya Washington, Iyadoo Somaliland Heshay Aqoonsiga Israa’iil”

Warbixin i24news: “Maraykanka oo Laga Sugayo Booqashadda Madaxweynaha Somaliland”

Washington (Dawan) Warbixin caalami ah oo lagu daabacay warbaahinta i24NEWS ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), loo qorsheeyey inuu maalmaha soo socda u safro magaalada Washington, D.C., xilli oo si weyn indhaha loogu hayo aqoonsiga Mareykanka ee Somaliland. Taas sida ay xustay warbixintu noqonaysa booqashadii ugu horraysay ee uu ku tago Mareykanka tan iyo markii uu xilka qabtay iyadoo la filayo inay fursad muhiim ah u noqoto Somaliland si loo xoojiyo xidhiidhka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Warbaahinta i24NEWS ayaa sidoo kale sheegtay in Somaliland ay muhiimad gaar ah iyo dano istiraatiiji ah u leedahay dawladda Maraykanka, taas oo ay qayb weyn ka tahay goobta juqraafiyeed ee ay ku taallo ee Geeska Afrika. Isla markaana ay Somaliland ku taallo marinnada ugu muhiimsan ee ganacsiga iyo isu-socodka maraakiibta caalamiga ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Marinka Bab al-Mandab iyo waddooyinka muhiimka ah ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in safarka Madaxweyne Cirro uu ku soo beegmayo xilli isbeddel weyn oo istaraatiiji ahi uu ka dhacay Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinaca siyaasadda iyo juquraafiyadda, sidoo kalena uu si weyn u xoogaystay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, kaddib markii Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii Diseembar 2025, iyadoo noqotay waddankii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee tallaabadaas qaaday.

Sidoo kale, warbixintu waxay xustay in safarka Madaxweyne Cirro uu ku soo beegmayo xilli Somaliland ay sii xoojinayso dadaalladeeda diblomaasiyadeed, iyadoo booqashada Washington lagu tilmaamay tallaabo cusub oo muhiim ah taas oo qayb ka ah dadaallada Somaliland ugu jirto sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah oo ballaadhan. i24NEWS ayaa sheegtay in booqashadani ay tahay fursad Somaliland ay si toos ah ugu soo bandhigto maamulka Maraykanka mowqifkeeda iyo doorkeeda wax ku oolka ah ee gobolka, iyadoo xoojinaysa dadaallada diblomaasiyadeed ee ay muddo dheer waday.

“Booqashadu waxay u taagan tahay tallaabo cusub oo muhiim ah oo ku aaddan dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay ku hesho aqoonsi caalami ah oo ballaadhan. Somaliland oo ah dhul madax-bannaan tan iyo sannadkii 1991, waxay u shaqaysaa sidii qaran madax-bannaan oo leh hay’ado iyo nidaam dawladeed oo u gaar ah.” ayaa lagu yidhi. Warbaahinta . i24NEWS, waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991, isla markaana tan iyo xilligaas ay yeelatay hay’ado dowladeed iyo nidaam maamul oo u gaar ah.

Sidoo kale warbixintu waxay intaasi ku dartay” Israa’iil waxay si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland bishii December 2025, taasoo u gogol xaadhaysa isku soo dhawaansho degdeg ah oo u dhexeeya labada dal. Bishii Juun, Madaxweyne Cabdullaahi Cirro wuxuu booqasho taariikhi ah ku tagay Israa’iil, halkaas oo ay si weyn u soo dhaweeyeen Madaxda dawladda Israa’iil oo ay hoggaaminayaan Madaxweyne Isaac Herzog iyo Afhayeenka Baarlamaanka Israa’iil Amir Ohana. Sidoo kale, Somaliland waxay safaarad ka furatay Qudus.”

Sida lagu sheegay warbixinta i24NEWS, booqashada Madaxweyne Cirro ee Washington ayaa noqonaysa fursad muhiim ah oo Somaliland ay ku doonayso inay ku xoojiso xidhiidhka ay la leedahay Mareykanka, isla markaana ay dadaalkeeda ku aaddan aqoonsi caalami ah u gudbiso heer cusub. Waxaanu lagu yidhi “Somaliland waxay Maraykanka u soo bandhigaysaa dano istaraatiijiyadeed oo gaar ah sababta oo ah meesha ay ku taallo ee Geeska Afrika. Israa’iil iyo Somaliland waxay horey u muujiyeen rabitaankooda ah inay horumariyaan iskaashigooda dhinacyo badan, oo ay ku jiraan amniga, beeraha, biyaha, caafimaadka, iyo dhaqaalaha. Sidaa darteed booqashada madaxweynaha Somaliland ee Washington waxay u oggolaanaysaa Hargeysa inay dooddeeda si toos ah ugu gudbiso maamulka Mareykanka.”