Hargeysa: Aas Qaran oo Loogu Sagootiyay Xildhibaan Hore Marxuum Ma’ud Xareed

0
12

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Waxaa shalay Xabaalaha Halayo ee duleedka Hargeysa lagu aasay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble, oo ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland, kaddib ujiifey.

Aaska Marxuumka oo loo sameeyay Aas Qaran ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Muuse Xaaji Cabdi Ducaale, Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad Mudane Axmed Cabdi Shide, guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Wakiillada Mudane Cali Xaamud Jibriil, Xildhibaannada Golaha Guurtida, Xoghayaha Golaha, qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, culimo, madax-dhaqameed, masuuliyiin, ehelada Marxuumka iyo boqollaal ka mid ah shacabka Somaliland.

Waxaa aaska si weyn uga muuqatay murugo iyo tiiraanyo, iyadoo masuuliyiintii, culimadii iyo waxgaradkii ka hadlay ay xuseen taariikhda, shakhsiyadda iyo kaalintii muuqata ee Marxuum Xareed uu ku lahaa bulshada iyo qaranka.

Waxay sheegeen in Marxuumku ahaa nin hawlkar ah, nabad-doon ah, bulshadana u heelan, isla markaana door muuqda ka qaatay isku haynta bulshada, doodaha Golaha Guurtida, lafagurka xeerarka, dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta beelaha.

Sidoo kale, waxaa la xusay inuu ka mid ahaa xubnihii lagu  aas-aasay golaha guurtida,  isaga oo muddo dheer ka qaybqaatay hawlaha qaranka iyo dadaallada lagu ilaalinayay nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.

Masuuliyiinta iyo waxgaradku waxay tilmaameen in Marxuumku ahaa qof afkiisa iyo adinkiisaba laga nabadgelay, oo lagu yaqaanay wanaag, samafal iyo inuu garab istaagi jiray dadka nugul, jaarkiisa, qaraabadiisa iyo bulshada uu la noolaa.

Waxaa sidoo kale waxa qaraabadiisa lagula dardaarmay in laga  bixiyo wixii dayn ah ee Marxuumka lagu lahaa, si loo guto waajibaadka ku xidhnaa inta uu noolaa.

Soo-bixitaanka ballaadhan ee shacabka, madaxda, culimada iyo madax-dhaqameedka ayaa noqday mid muujinaya qadarin iyo xushmad weyn oo loo hayay Marxuumka, iyadoo laga dareemayay sida ay bulshada uga murugootay geeridiisa.

Dhammaan qaranka Somaliland, Golaha Guurtida, qoyska, qaraabada iyo ehelada Marxuumka ayaa looga tacsiyeeyay geeridan naxdinta leh, waxaana Alle looga baryay inuu naxariistiisa Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelada, Golaha Guurtida iyo dhammaan bulshada uu ka baxayna uu ka siiyo samir iyo iimaan. Alle ha u naxariisto Marxuum Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble. Aamiin.