Lewis Hall oo Newcastle u Saxeexay Heshiis Cusub oo ah Ilaa 2031

0
15

Difaaca bidix ee Newcastle United, Lewis Hall, ayaa heshiis cusub u saxeexay kooxdiisa, kaas oo ku eg 2031 taas oo Newcastle ku xaqiijinaysa mustaqbalka ciyaaryahanka ilaa muddo dheer. Hall oo 22 jir ah ayaa heshiiskiisii hore laba sano ku kordhiyay, iyadoo wararku tilmaamayaan in Manchester United ay horey u danaynaysay saxeexa difaaca reer England.

Hall ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay heshiiska cusub, gaar ahaan maadaama uu yahay taageere carruurnimadiisii Newcastle ah. Wuxuu sheegay in u ciyaarista kooxda iyo farxadda uu taageerayaasha u keeno ay muhiimad weyn u leedahay isaga iyo qoyskiisa. “Waa waqti aan aad ugu faanayo inaan sii joogo kooxdan. Waa sharaf inaan u ciyaaro Newcastle oo aan matalo taageerayaasha.”

Hall wuxuu sidoo kale ammaanay tababaraha cusub ee Newcastle, Matthias Jaissle, isagoo sheegay in bilowga xilli-ciyaareedka iyo shaqada tababaraha cusub ay kooxda siinayaan rajo ah inay mustaqbalka gaari karto guulo waaweyn. Sidoo kale  Tababare Matthias Jaissle ayaa si weyn u mmaanay Hall, isaga oo ku tilmaamay “ciyaaryahan aad muhiim ugu ah waxa aan halkan ka dhisayno.”

Jaissle wuxuu sheegay in difaacu leeyahay maskax iyo dabeecad uu ku horumari karo, isagoo xusay inuu maalin kasta doonayo inuu wax barto oo uu noqdo ciyaaryahan ka wanaagsan. Tababaraha ayaa sidoo kale ku amaanay Hall awooddiisa inuu si degdeg ah dhulka u daboolo, difaacana u sameeyo si bisayl iyo caqli leh. Intaa waxaa dheer, tayadiisa farsamo waxay u oggolaanaysaa inuu Newcastle ka caawiyo weerarka.

Hall wuxuu Newcastle kaga soo biiray Chelsea sanadkii 2023, waxaana tan iyo markaas uu kooxda u saftay 106 kulan. Inkasta oo markii hore loo arkayay difaac bidix oo weli khibrad raadinaya, haddana wuxuu si weyn uga shaqeeyay dhinaca difaaca. Wuxuu sidoo kale noqday ciyaaryahan muhiim ah marka Newcastle weerarayso. Xilli-ciyaareedkan ayuu horey u sameeyay laba caawin, taasoo muujinaysa saameyntiisa dhinaca weerarka.

Xilli-ciyaareedkii hore, Hall wuxuu ka mid ahaa difaacyada Premier League ugu firfircoon marka la eego orodka xawaaraha sare leh iyo dhaq-dhaqaaqyada uu gudaha uga soo galo garoonka. Waxa kale oo uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu sarreeya marka la eego dribbles-ka uu dhammeystiro kulankiiba.

Heshiiskan cusub wuxuu sidoo kale Newcastle siinayaa awood dheeraad ah oo ay kaga hortagto kooxaha doonaya Hall. Bishii hore, markii Manchester United lala xiriiriyay ciyaaryahanka, Jaissle wuxuu si cad u sheegay “fursad ma jirto” in Newcastle ay si fudud uga fasaxdo. Hadda heshiiska ilaa 2031 wuxuu si rasmi ah u xoojinayaa mowqifka Newcastle, iyadoo kooxda ay muujisay inay Hall u aragto qayb muhiim ah oo ka mid ah mashruuca cusub. Hall ayaa sidoo kale rajaynaya inuu dib ugu soo laabto xulka England, kaddib markii uu ka maqnaa xulkii ka qeyb galay Koobka Adduunka. Qaranka England ayuu ilaa hadda u saftay afar kulan.