Nin ayaa maalin isagoo aad u gaajaysan galay makhaayad. Markuu fadhiistay ayuu si kalsooni leh u yidhi: “Fadlan ii keen waxa ugu fiican ee aad haysaan!”
Shaqaalihii ayaa qoslay oo u keenay saxan weyn oo cunto kala duwani ku jirto oo badan. Ninkii markiiba wuu bilaabay cunista waxaana uu si degdeg ah u dhammeeyay raashinkiiba.
Markii uu ka dhaqaaqay ayuu haddana u yeedhay adeegaha. Shaqaalaha oo aad u soo dhowaynaya ayaa ku yidhi :” Maxa kale ee aan kuu keenaa?”
Ninkii: “Fadlan… hadda waxa aad iikeentaa qofkii iga bixin kara lacagta raashinka aan cunay!”
Shaqaalihii ayaa yaabay oo ku yidhi: “ Oo Maxaad hore ugu sheegi wayday in aanad lacag haysan?”
Ninkii wuxuu ku jawaabay: “Haddii aan hore kuugu sheego, ma cunto ayaad ii keeni lahayd oo aan heli lahaa!”
Haa. Nolosha ayaan sidan ah marar badan. Dadka qaarkood waxay ka fikiraan xal degdeg ah marka ay dhibaato ku dhex jiraan iyagoo aan ka fiirsan in xalkiisu uu noqon karo mid kas sii dhib badan kan uu la dhibaatoonayay.





















