“Sicir-bararka Lamay Imaan Xukuumada JSL ee Waxa Keenay Duruufaha Jira”

0
11

Hargeysa (Dawan) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Jamhuuriyadda Somalialnd Mudane Maxamed Cilmi Huuno, ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dhaqaale oo adag, isaga oo tilmaamay in dhibaatada ka taagan marinadii ganacsi ay saameyn ku yeesheen waxyaabaha dibadda laga keeni jiray ee dalka.

Wasiir Ku-xigeenka ayaa sheegay in maadaama inta badan waxyaabaha dalka laga isticmaalo ay dibadda ka yimaaddaan, xidhnaanshaha ama dhibaatooyinka soo wajaha marinnada ganacsigu ay sababi karaan in qiimaha badeecaduhu sare u kaco.Waxa uu sheegay in dowladdu aanay iyadu keenin sicir-bararka, balse ay jiraan duruufo dhaqaale oo sababay kor u kaca qiimaha, isaga oo bulshada ugu baaqay in loo diyaar garoobo sidii dalka looga soo saari lahaa xaaladda dhaqaale ee jirta.

“Dalku wakhti adag buu ku jiraa, dunida waa ogtihiin dhaqaalihii waa xidhan yahay, marinadii wax inoo soo mari jirey oo dhan waa laga dayrinayaa, waana ognahay dalkeena %99 wax kasta dibadda ayay ka yimaadaan. Maadaama oo ay dalka dibadiisa ka yimaadaan, marinadiina xidhan yihiin, wax walba sicir-barar ayaa ku dhacaya. Dowladdu lama imaan sicir-bararka ee duruufaha ayaa keenay. Waxaana aynu kaga bixi karnaa inaan wax la soo baxno oo u diyaar garowno,” ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Maxamed Cilmi Huuno.