Hargeysa (Dawan) Dagaallada iyo xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe waxay muddooyinkii u dambeeyey yeesheen saamayn dhaqaale oo ka gudubtay xuduudaha, iyagoo si toos ah iyo si dadbanba u taabtay ganacsiga caalamiga ah, gaadiidka badda, qiimaha shidaalka, cuntada, caymiska maraakiibta, silsiladaha saadka iyo suuqyada lacagaha qalaad. Inkasta oo Somaliland aanay si toos ah uga mid ahayn dhinacyada ku lugta leh colaadda, haddana juqraafi ahaan waxay ku taallaa meel muhiim u ah isku-xidhka Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo ganacsiga caalamiga ah. Sidaas awgeed, isbeddellada ka dhasha carqaladaha marin-biyoodka iyo isu socodka gaadiidka baddu waxay si dabiici ah u saamayn karaan dhaqaalaha Somaliland.
Dhaqaalaha Somaliland wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay ganacsiga dibadda, badeecadaha la soo dejiyo, xawaaladaha, lacagaha qalaad iyo dhoofinta xoolaha nool. Qaab-dhismeedkan dhaqaale wuxuu Somaliland siinayaa fursado muhiim ah, laakiin sidoo kale wuxuu ka dhigayaa mid u nugul khataraha dhaqaale ee gobolka iyo marinnada muhiimka ah ee mandaqadda. Sidaa darteed sababta korodhka qiimaha shidaalka, maceeshadda, kharashaadka maraakiibta, caymiska, isbeddelka sarifka lacagaha, hoos-u-dhaca dhaqdhaqaaqa dekedaha iyo korodhka qiimaha badeecadaha ayaa dhammaantood ah hal kannaal oo isku xidhan, waana dagaalka Bariga Dhexe oo saamayn ku yeeshay isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Xogaha iyo warbixinaha ay soo saareen hay’ado ay ka mid yihiin IMF, FAO, Marsh iyo ilo kale oo xogeed ayaa muujinaya in carqaladaha ka dhacay marinada Hormuz iyo Badda Cas ay abuureen naxdin dhaqaale oo ka muuqata qiimaha tamarta, gaadiidka badda, caymiska, ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha. Marka laga hadlayo Somaliland, saamaynta ugu weyn ee dagaalada Bariga Dhexe ku yeesheen qiimaha shidaalka iyo Tamarta, kharashaadka xamuulka, qiimaha cuntada, helitaanka lacagta qalaad, sarifka Shilinka Somaliland iyo dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera.
Ujeeddada warbixintani waa in si isku xidhan loo qiimeeyo sida caqabadaha iyo naxdinta dhaqaale ee ka dhalatay dagaalka iyo xiisadaha Bariga Dhexe ay ugu lug-yeelanayso hoos u dhaca dhaqaale ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland, iyadoo la eegayo sarifka lacagta, sicir-bararka, ganacsiga, shidaalka, korontada, xawaaladaha iyo dhaqdhaqaaqa Dekedda Berbera. Waxa kale oo warbixintu eegaysaa adkaysiga iyo nuglaanta qaab-dhismeedka dhaqaalaha Somaliland iyo fursadaha istiraatiijiga ah ee ka dhalan kara isbeddelka jidadka ganacsiga.
Warbixintu waxay muujinaysaa in dhaqaalaha Somaliland uu leeyahay heer adkaysi oo muuqda marka loo eego heerarka celceliska laga diiwaangeliyey qaar ka mid ah dalalka Afrika ee lagu sameeyey isbarbardhigga. Inkastoo Somaliland ay wajahday cadaadis ka dhashay isbeddelka sarrifka, sicir-bararka, kharashaadka gaadiidka iyo carqaladaha ganacsiga caalamiga ah, haddana heerka cadaadiska qiimaha ayaa weli ku jira meel dhexdhexaad ah marka loo eego qaar ka mid ah dalalka gobolka. Isla markaana nidaamka dhaqaale ee Somaliland muujiyay awood uu ku nuugo qayb ka mid ah cadaadiska dibadda.
Warbixintu waxay iftiiminaysaa in dhaqaalaha Somaliland uu leeyahay dabacsanaan dhaqaale oo ballaadhan iyo adkaysi wax ku ool ah, marka loo eego dalal badan oo Afrika ah, kuwaas oo leh khayraad dabiici ah oo badan, nidaamyo dhaqaale oo si weyn ugu xidhan suuqyada caalamka iyo hannaan maaliyadeed oo ku tiirsan hay’adaha iyo nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah.
Celceliska sicir-bararka Somaliland, oo gaadhaya 9.95%, ayaa si muuqata uga hooseeya heerarka laga diiwaangeliyey Nigeria oo ah 15.73%, Masar oo ah 12.40%, iyo Angola oo ah 12.07%. Tani waxay muujinaysaa inkasta oo Somaliland ay wajahdo cadaadis ku saabsan korodhka qiimaha badeecadaha iyo adeegyada, haddana heerka sicir-bararkeedu uu ka hooseeyo kan dalal Afrikaan ah oo lagu daray isbarbardhigga.
Warbixintu waxay sidoo kale isbarbardhig ku samaynaysaa xaaladda dhaqaale ee Geeska Afrika, gaar ahaan Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo si qoto-dheer u falanqaynaysa saamaynta taban ee dagaalka Bariga Dhexe iyo isbeddellada dhaqaale ee ka dhashay ay ku yeesheen Gobolka. Ujeeddada ugu weyn ee warbixintani waa in si hufan loo fahmo xaaladda dhaqaale iyo ganacsi ee gobolka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo Somaliland iyo sida ay u saamaysay cadaadiska ka dhashay isbeddellada gobolka iyo kuwa caalamka.
Isbarbardhigga lagu sameeyey xaaladaha dhaqaale ee dalalka gobolka, gaar ahaan Somaliland iyo Itoobiya, wuxuu diiradda saarayaa cadaadiska ku yimid sarifka lacagaha, sicir-bararka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga. Xogta la soo bandhigay waxay muujinaysaa in labada dhinacba ay wajahayaan cadaadisyo dhaqaale, hase yeeshee qaabka iyo baaxadda cadaadiskaasi ay kala duwan yihiin. Itoobiya, gaar ahaan, waxay wajahaysaa caqabado muuqda oo la xidhiidha suuqa sarifka, iyadoo uu jiro farqi weyn oo u dhexeeya sarifka rasmiga ah iyo kan suuqa barbar socda.
Marka la eego Somaliland, xogta la soo bandhigay waxay tilmaamaysaa in Shilinka Somaliland uu wajahayo cadaadis, balse marka la barbar dhigo Itoobiya, farqiga u dhexeeya sarifka rasmiga ah iyo kan suuqa barbar socda uu yahay mid ka hooseeya xaaladda Itoobiya. Qiimaha Dollar-ka ee suuqa barbar socda Somaliland wuxuu ka kacay SLSh 10,700 bishii January ilaa SLSh 11,240 badhtamihii August 2026, taas oo u dhiganta hoos-u-dhac ku dhow 5.05 boqolkiiba marka la eego qiimaha Shilinka Somaliland.
Dhanka Itoobiya, Birr-tuna waxay wajahaysaa cadaadis dhinaca sarifka ah, iyadoo sarifka suuqa barbar socda uu ku wareegayo 174 ilaa 177 Birr halkii Dollar, halka farqiga u dhexeeya sarifka rasmiga ah iyo kan suuqa barbar socda lagu qiyaasay 12 ilaa 15 boqolkiiba. Xogtan ayaa muujinaysa in cadaadiska sarifka Itoobiya uu leeyahay farqi muuqda oo u dhexeeya labada suuq.
Isbarbardhiggan wuxuu muujinayaa in, inkasta oo Shilinka Somaliland uu wajahayo cadaadis dhinaca sarifka ah, haddana farqiga u dhexeeya sarifka rasmiga ah iyo kan suuqa barbar socda uu ka hooseeyo kan Itoobiya. Sidaas darteed, marka laga eego cabbirkan, Somaliland waxay leedahay muuqaal ka wanaagsan marka loo eego heerka kala-duwanaanshaha sarifka ee Itoobiya.
Dhinaca sicir-bararka, labada dalba waxay wajahayaan caqabado la xidhiidha korodhka qiimaha badeecadaha, gaar ahaan cuntada iyo badeecadaha daruuriga ah. Somaliland, qiimaha cuntadu wuxuu door muuqda ku leeyahay cadaadiska sicir-bararka, iyadoo CPI-ga lagu sheegay inuu gaadhay ilaa 11.5 boqolkiiba. Korodhka qiimaha cuntada iyo badeecadaha aasaasiga ahi wuxuu si toos ah u saamayn karaa awoodda wax-iibsiga bulshada, gaar ahaan qoysaska dakhligoodu hooseeyo, kuwaas oo qayb weyn oo ka mid ah dakhligooda ku bixiya cuntada iyo baahiyaha aasaasiga ah.
Guud ahaan, isbarbardhigga Somaliland iyo Itoobiya wuxuu muujinayaa in labada dhaqaale ay wajahayaan cadaadisyo ka dhashay dagaalka Bariga Dhexe iyo isbeddellada caalamka, balse ay ku kala duwan yihiin baaxadda iyo qaabka ay cadaadisyadu uga muuqdaan. Somaliland, inkasta oo Shilinkeeda uu wajahayo cadaadis, haddana farqiga u dhexeeya sarifka rasmiga ah iyo kan suuqa barbar socda ayaa ka hooseeya kan Itoobiya. Marka la eego guud ahaan xaaladda, warbixintu waxay muujinaysaa in Somaliland ay qayb ka tahay isbeddellada dhaqaale ee ka socda gobolka iyo caalamka, balse ay sidoo kale leedahay xaalad dhaqaale oo u gaar ah.
Bangiga dhexe ee Somaliland oo ka duulaya xakamaynta cadaadiska Sarifka iyo kala duwanaansahaha ka rasmiga ah iyo ka suuqa barbar socda, wuxuu qaaday tallaabo muhiim ah oo muujinaysa masuuliyad iyo dabacsanaan siyaasadeed, isaga oo sameeyay dhex-galka rasmiga ah (official rate) si loo waafajiyo xaqiiqda suuqa. Baanku waxa uu wax ka beddelay sarifka rasmiga ah ee Dollar-ka, isaga oo ka soo qaaday SLSh 10,000/10,100 una beddelay SLSh 11,000/11,100 halkii Dollar. Tallaabadan ayaa muujinaysa in Bangigu si dhow ula socday dhaqdhaqaaqa suuqa iyo cadaadiska ku yimid Shilinka Somaliland, isla markaana uu qaaday tallaabo wax ka taraysa isu-dheellitirka sarifka rasmiga ah iyo xaaladda dhabta ah ee suuqa. Go’aankan ayaa sidoo kale muujinaya doorka Bangiga Dhexe ee ilaalinta xasilloonida suuqa sarifka iyo ka jawaabista cadaadisyada dhaqaale ee ka imanaya isbeddellada gobolka iyo kuwa caalamka
La soco……..



















