SEMAFOR “Dr Cirro oo Maraykanka u Sharraxay Fursadaha Dhaqaale iyo Istaraatiijiyaddeed ee JSL”

0
9

Washington, D.C. (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah ee Semafor, oo xarunteedu tahay magaalada New York ayaa waraysi gaar ah la yeelatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo uu kaga hadlay dadaallada Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi caalami ah, gaar ahaan aqoonsiga Maraykanka, iyo fursadaha dhaqaale, maalgashi iyo istaraatiijiyadeed ee uu dalkiisu u soo bandhigayo Washington.

Semafor, oo ah madal warbaahineed oo si gaar ah uga faalloota siyaasadda iyo isbeddellada caalamiga ah, ayaa sheegtay in Madaxweynaha Somaliland uu Maraykanka u soo bandhigay fursadaha dhaqaale, maalgashi iyo istaraatiijiyadeed ee Somaliland, isaga oo xoogga saaraya khayraadka iyo awoodaha dhaqaale ee dalka, si uu u xoojiyo dadaallada Somaliland ugu jirto helitaanka aqoonsi buuxa oo ka yimaadda Maraykanka.

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Somaliland ay diyaar u tahay inay maalgashadayaasha Maraykanka iyo kuwa caalamiga ah u soo bandhigto fursado ku dhisan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed, iyadoo ka faa’iidaysanaysa goobteeda juqraafiyeed, khayraadkeeda dabiiciga ah iyo fursadaha dhaqaale ee dalka. Sidoo kale waraysigan oo lagu qaaday magaalada Washington, D.C., ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, Dekedda Berbera, khayraadka dabiiciga ah, maalgashiga shisheeye iyo suurtagalnimada xidhiidh dhinaca amniga iyo milatariga ah.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland aanay wax bilaash ah bixinaynin, balse heshiis kastaaba uu u baahan yahay in labada dhinac ay helaan fursado iyo faa’iidooyin isu-dheelli tiran. Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland Dr. Cirro oo ka hadlayay waxa ay Somaliland rabto in ay ku beddelato iskaashiga ay doonayso in ay la yeelato dawladda Maraykanka iyo dalalka kale ee caalamka ayaa yidhi “Wax bilaash ah ma bixinayno. Waa inaannu wax bixinaa, bale dhinaca kalena waxaannu ka filaynaa inuu bixiyo fursado la mid ah ama isu-dheelli tiran, oo siman”.

Sida lagu sheegay warbixintan oo uu Wargeyska Dawan soo xigtay, Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in aqoonsigu yahay hadafka ugu weyn ee Somaliland, balse ay taas barbar socon karaan iskaashi ku dhisan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga ah. Isla markaana Somaliland ay bixin karto fursado istaraatiiji ah oo muhiim u ah Maraykanka, sida dekeddeeda, goobaha istaraatiijiga ah iyo khayraadkeeda dabiiciga ah, iyadoo dhinaca kalena ay ka filayso faa’iidooyin iyo fursado isu dheelli tiran. Waxa uu intaa ku daray in aqoonsiga caalamiga ahi uu Somaliland u horseedi karo fursado maalgashi oo ballaadhan, maadaama maalgashadayaashu ay si fudud ula macaamili karaan Somaliland iyadoo loo arko goob maalgashi oo caalami ah.

Semafor waxay si gaar ah u xustay muhiimadda juqraafiyeed ee Berbera, oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isla markaana aad ugu dhow marinka Bab al-Mandab ee isku xidha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Iyada oo sheegtay in goobtani ay Somaliland siinayso muhiimad dhinaca saadka, ganacsiga iyo amniga ah, gaar ahaan xilligan oo colaadaha iyo khalkhalka gobolku ay saameynayaan marinnada muhiimka ah ee ganacsiga badda. Sida lagu xusay warbixinta Semafor, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in masuuliyiinta Maraykanku ay fahamsan yihiin muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Somaliland, isaga oo tusaale u soo qaatay iskaashiga dhinaca tababarka iyo amniga ee hore uga dhexeeyay labada dhinac.

“Madaxweyne Cirro wuxuu Maraykanka iyo maalgashadayaasha caalamiga ah u soo bandhigay inay Somaliland leedahay fursado dhaqaale oo ka baxsan muhiimaddeeda juqraafiyeed. Sida: Dekedda Berbera iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah; xeebaha Somaliland oo dhererkeedu yahay qiyaastii 850 kiiloomitir; khayraadka kalluumaysiga; macdanta; suurtagalnimada khayraadka shidaalka iyo gaaska; iyo goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu yidhi warbixinta Semafor.

Madaxweyne Cirro wuxuu sheegay in miisaaniyadda Somaliland ay si weyn u korodhay sannadihii u dambeeyay. Waxa uu xusay in markii uu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada sannadkii 2005 ay miisaaniyadda dawladdu ka yareyd 50 milyan oo dollar, halka uu sheegay inay maanta ku dhowdahay 500 milyan oo dollar.

Sida uu sheegay Dr. Ciro, himilada ay Somaliland higsanayso ayaa ka weyn tan maanta jirta. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Somaliland ay noqon karto dal dhaqaale ahaan aad u xoogganka tobanka sano ee soo socda, isla markaana miisaaniyadda sannadlaha ahi ay gaadhi karto 3 ilaa 4 bilyan oo dollar, haddii si buuxda loo horumariyo dhaqaalaha badda iyo khayraadka kale.

Sida lagu sheegay warbixinta, Madaxweyne Cirro oo maalmahan ku sugan Washington, D.C., ayaa halkaas ka wada kulamo iyo dadaallo diblomaasiyadeed, isaga oo doonaya inuu Aqalka Cad, Capitol Hill, xubnaha Congress-ka iyo madaxda kale ee Maraykanka u gudbiyo aragtida Somaliland ee ku saabsan aqoonsiga iyo iskaashiga labada dhinac ka hor inta aanu u gudbin New York, halkaas oo uu rajaynayo inuu kula kulmo hoggaamiyeyaal kale oo caalami ah inta lagu jiro Shirweynaha Guud ee Qaramada Midoobay.