Halyeeygii hore ee Manchester United, Rio Ferdinand, ayaa ku jeesjeesay Manchester City kadib markii warbixinno Ingiriis ah ay sheegeen in kooxda lagu helay 114 ka mid ah 115 eedood oo la xiriira jebinta xeerarka maaliyadeed ee Premier League intii u dhaxaysay 2009 iyo 2018. Ferdinand ayaa bartiisa X ku qoray hadal kaftan ah oo uu ku yiri: “Bilad kale oo Premier League ah ayaa lagu dari doonaa armaajadayada.”
Ferdinand wuxuu xusuustay xilli-ciyaareedkii 2011/12, markaas oo Manchester United ay ku wayday horyaalka Manchester City maalintii ugu dambaysay, kaddib goolkii caanka ahaa ee Sergio Agüero. Sidoo kale, Ferdinand wuxuu soo hadal qaaday José Mourinho, isagoo yiri: “Iyo bilad kale oo José Mourinho ah.” Arrintan wuxuu ula jeeday xilli-ciyaareedkii 2017/18, markaas oo Manchester United oo uu Mourinho hoggaaminayay ay kaalinta labaad ka gashay Premier League, iyadoo Manchester City ay ku guuleysatay horyaalka.
Wararka la faafiyay waxay sheegayaan in haddii City lagu xukumo dhibco laga jaro, ay suurtagal tahay in natiijooyinka iyo kala sarreynta xilli-ciyaareedyadii hore dib loo eego. Hase yeeshee, ciqaabta rasmiga ah weli lama shaacin, sidaas darteed lama xaqiijin in koobab hore laga qaadi doono Manchester City.



















