“Somaliland oo Ku Biirtay Shabakad Caalamiya oo Leh Fursaddo Cusub”

0
18

Taipei (Dawan) Warbaahinta caalamiga ah, gaar ahaan wargeysyada ka soo baxa Taiwan, ayaa baahiyey warar ku saabsan tallaabo cusub oo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku ballaadhinayso xidhiidhka iyo iskaashigeeda caalamiga ah, kaddib markii ay toddobaadkan ka mid noqotay shabakad caalami ah oo cusub. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay in ay Somaliland u abuurayso fursado dheeraad ah oo ku saabsan iskaashiga, xidhiidhada caalami ah, iyo xoojinta sumcadda Somaliland iyada oo Taipei (Taiwan) ay noqotay madal cusub oo Somaliland ay ku xoojiso doorkeeda Caalamiga ah,

Wararku waxay tilmaameen in Jamhuuriyadda Somaliland ay heshay fursad cusub oo ay kaga faa’iidaysan karto xidhiidho iyo iskaashi caalami ah, kaddib markii ay noqotay mid ka mid ah xubnaha aasaasay isbahaysiga World Alliance for Disaster Management (WADM). Kaas oo ah isbahaysi caalami ah oo ay hormuud ka tahay Taiwan, isla markaana diiradda saaraya xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada ka-hortagga iyo maaraynta masiibooyinka, digniinta hore, gurmadka degdegga ah, tababarrada wadajirka ah, xog-wadaagga iyo ka soo-kabashada musiibooyinka.

Sida lagu sheegay warbixinahan oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, isbahaysigu waxa uu ka kooban yahay 13 dal oo xubno ka ah, 17 goobjooge iyo 11 shuraako, taas oo muujinaysa in WADM aanu ku koobnayn oo keliya xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, balse uu yahay madal cusub oo ay ku kulmaan dowlado, hay’ado iyo dhinacyo caalami ah oo danaynaya iskaashiga maaraynta masiibooyinka.

Sida lagu sheegay warbixin Taiwan News, muhiimadda tallaabadan ayaa ah in Somaliland aanay goobjooge ka ahayn isbahaysigan, balse ay ka mid noqotay xubnaha rasmiga ah ee aasaasay shabakadan caalamiga ah. Iyada oo tilmaantay in ka-qaybgalka noocan ahi uu Somaliland siinayaa fursad ay kaga qaybqaadato dhismaha madasha cusub laga bilaabo marxaladdeeda hore, isla markaana ay uga faa’iidaysato tababarro, xog-wadaag, khibrad farsamo iyo iskaashi hay’adeed oo caalami ah.

Waxa kale oo ay warbixintu tilmaantay in xubinnimada isbahaysigan caalamiga ah ee World Alliance for Disaster Management (WADM) uu Jamhuuriyaddas Somaliland u noqon karto waddo diblumaasiyadeed oo ay ku ballaadhiso xidhiidhada ay la yeelanayso dowladaha iyo hay’adaha kale ee ku jira shabakadda WADM. Sidoo kalena waxa lagu xusay in tallaabadani ay weji cusub ku soo kordhinayso iskaashiga Somaliland iyo Taiwan, iyadoo xidhiidhka labada dhinac uu hore ugu fiday dhinacyo ay ka mid yihiin caafimaadka, beeraha, tiknoolajiyadda, ganacsiga, tamarta iyo iskaashiga badda.

Waxa kale oo lagu sheegay in tallaabadani ay noqonaysa mid ka mid ah waddooyinka cusub ee Somaliland u adeegsan karto ballaaddhinta iskaashigeeda caalamiga ah iyo xoojinta doorkeeda madallada caalamiga ah. Sidoo kale waxa lagu xusay in aasaasak isbahaysigan istaraatiijiga ah ee WADM uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Taiwan, Lai Ching-te, 19-ka Sebtembar 2026 isaga oo sheegay in loo sameeyey in lagu xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada u diyaargarowga masiibooyinka, gurmadka degdegga ah, tababarrada wadajirka ah, xog-is-weydaarsiga iyo soo kabashada musiibooyinka.