Warbixin “Somaliland iyo UN-Ka: “Aqoonsigga oo Galay-marxalad Guula”

0
19

Warbixin cusub oo ay baahisay Horn Lens, ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay qaaday tallaabo diblumaasiyadeed oo mug leh, kadib markii ay qadiyadda madax-banaanida iyo fariinteeda aqoonsiga ay si toos ah ugu soo bandhigtay magaalada New York, 23 Sebtembar 2026, xilli madaxda iyo diblomaasiyiinta dunidu isugu yimaadeen shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Iyada oo taageerayaasha Somaliland ay isugu yimaadeen Dag Hammarskjöld Plaza, halkaas oo ay si cad ugu soo bandhigeen bulshada caalamka fariinta Somaliland ee ku aaddan aqoonsi buuxa.

Sida lagu sheegay warbixin Horn Lens, oo uu soo xigtay wargeyska Dawan, dhacdadan ayaa ahayd fursad muhiim ah iyo tallaabo diblumaasiyadeed oo istaraatiiji ah, taas oo si rasmi ah loogu gaadhsiinayo farriinta qadiyadda Somaliland fagaaraha ugu weyn ee diblomaasiyadda adduunka, isla markaana ah madasha ugu ballaadhan ee ay isugu yimaadaan hoggaamiyayaasha dunidu, kaas oo kulmiya madaxda dowladaha adduunka. Warbixintu waxay xustay in farriintaasi ay ahayd mid cad oo Somaliland ay doonayso in xaqiiqada siyaasadeed ee ka jirta dhulkeeda loo beddelo aqoonsi caalami ah.

Waxa kale oo lagu xusay warbixinta in isu-soo-baxa ay taageerayaasha Somaliland isugu yimaadeen meel ku dhow xarunta Qaramada Midoobay xilli ay New York ku sugan yihiin madax iyo diblomaasiyiin ka kala socda dalalka adduunka ay tahay tallaabo diblumaasiyadeed oo xambaarsan muhiimad siyaasadeed oo astaan u ah madax-bannaanida Somaliland. Sidoo kale waxay tilmaantay in arrintani ay tahay qayb ka mid ah dadaal ballaadhan ee Somaliland ku doonayso in qaddiyadda madax-bannaanida iyo aqoonsiga caalamiga ah ay ku gaadhsiiyo goobta ugu weyn ee diblomaasiyadda adduunka.

Warbixintu waxa kale oo ay iftiimisay sababaha qaddiyadda Somaliland uga duwan tahay arrimo badan oo gobolka ka jira, iyadoo tilmaantay in Somaliland ay sannadkii 1991 ku dhawaaqday inay dib ula soo noqotay madax-bannaanideedii, tan iyo xilligaasna ay dhisatay hay’ado dowladeed, nidaam siyaasadeed, xidhiidho diblomaasiyadeed iyo iskaashi dhaqaale oo caalami ah. Waxa kale oo lagu xusay in muddo ka badan 33 sanno ay Somaliland xoogga saartay dhismaha hay’adaha dowliga ah, sugidda amniga iyo xasilloonida, iyo horumarinta hannaan siyaasadeed oo u gaar ah. Iyada oo taageerayaasha caalamiga ah ee qaddiyadda Somaliland ay ku doodaan in waayo-aragnimadan siyaasadeed iyo maamul ay muujinayso awoodda Somaliland u leedahay inay kaalin weyn ka qaadato xasiloonida gobolka.

Gabagabadii warbixinta ayaa lagu sheegay in isu-soo-baxa New York uu xoojiyey muuqaalka caalamiga ah ee Somaliland iyo farriinteeda aqoonsi. Sidoo kale waxay tilmaantay in dhacdooyinka New York ay muujinayaan in Somaliland ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan sidii qaddiyaddeeda madax-bannaanida loogu soo bandhigi lahaa fagaaraha caalamiga ah. “Muuqaalka, diblomaasiyadda iyo xidhiidhada istiraatiijiga ah ayaa hadda ah waddooyinka ay Hargeysa ku doonayso in ay ku gaadho yoolkeeda ugu weyn: aqoonsi caalami ah,” ayaa lagu soo gabagabeeyay Warbixinta Horn Lens.