Madaxweynaha JSL oo Khudbad Taariikhiya ka Jeediyey Golaha Xidhiidhka Dibadda ee USA

0
21

New York: “Madaxweyne Cirro oo CFR Kaga Hadlay Qadiyadda Aqoonsigga JSLiyo Doorkeeda Geeska Afrika”

 Madaxweynaha oo Iftiimiyey Muhiimada Somaliland ee Dhinacyadda Amnigga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

New York (Dawan) Madaxweynaha Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa khudbad taarikhi ah ka jeediyey Council on Foreign Relations (CFR) hay’ad cilmi-baadhiseed oo diiradda saarta siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, xidhiidhada caalamiga ah iyo arrimaha amnig, taas oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka. Dr. Cirro waxa uu halkaas ku soo bandhigay taariikhda Somaliland, qadiyadda aqoonsiga, muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland, doorka ay ka qaadan karto amniga iyo xasilloonida gobolka, amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo fursadaha iskaashi ee Somaliland iyo Maraykanka.

Madashan oo uu soo qabanqaabiyay Council on Foreign Relations (CFR) oo la aasaasay sannadkii 1921, kana shaqaysa fahamka doorka dawladda Maraykanka ee siyaasadda arrimaha dibadda, ayaa ciwaan looga dhigay “A Conversation With President Abdirahman Mohamed Abdullahi of Somaliland”, halkaas oo Madaxweynaha Somaliland lagu weydiiyey arrimo la xidhiidha siyaasadda arrimaha dibadda, amniga gobolka, Badda Cas, Gacanka Cadmeed, iyo kaalinta Somaliland ee isbeddellada istiraatiijiyadeed ee ka socda Geeska Afrika.

Madaxweyne Cirro ayaa khudbaddiisa kaga hadlay taariikhda Somaliland, isaga oo xusay in Somaliland ay ahayd dal madax-bannaan oo xornimadiisa ka qaaday Ingiriiska 26-kii Juen 1960, ka hor intii aanay shan maalmood kadib la midoobin Soomaaliya. Waxa uu sheegay in midowgaasi aanu, si buuxda sharci ahaan u hirgelin, isla markaana uu muddo kadib noqday mid aan sii jiri karin, isaga oo sabab uga dhigay xaaladihii siyaasadeed iyo cadaadiskii ay shacabka Somaliland la kulmeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa kale oo uu ka sheegay madashan caalamiga ah, in midowgii labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya uu lahaa duruufo siyaasadeed iyo sharciyeed oo gaar ah, waxaanu tilmaamay in waayo-aragnimadii ka dhalatay midowgaasi fashilmay ay qayb ka tahay sababta shacabka Somaliland ay 1991-kii dib ugu soo ceshadeen madax-bannaanidoodii iyo xornimadoodii ka luntay 26 June 1960. Waxa kale oo uu tilmaamay in dhacdooyinkii iyo xadgudubyadii dhacay xilligii taliskii Siyaad Barre, ay qayb muhiim ah ka yihiin fahamka go’aankii Somaliland ee 1991.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in tan iyo 1991 Somaliland ay dhistay hay’ado dawladeed iyo nidaam siyaasadeed oo ay ka mid yihiin dastuur, maxkamado, lacag, ciidamo amni, boolis, ciidanka ilaalada xeebaha iyo hay’ado kale oo dawli ah oo ku dhisan hannaan dimuquraadi ah. Waxa uu sidoo kale soo bandhigay waayo-aragnimada doorashooyinka Somaliland iyo isbeddellada siyaasadeed ee dalka ka dhacay, isaga oo xusay in madaxdii kala dambaysay ay xilka si nabad ah isugu wareejiyeen.

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro isaga oo ka hadlay qaddiyadda aqoonsiga, waxa uu sheegay in Somaliland aanay doonayn in la sameeyo xuduudo cusub, balse ay ku rabto in dib loogu soo celiyo xuduudihii ay lahayd xilligii ay xornimada qaadatay. Waxa uu arrintaas ku saleeyey taariikhda Somaliland ka hor 1960, isaga oo tilmaamay in doodda Somaliland ay ka duwan tahay samaysashada dal ama xuduud cusub. Madaxweynuhu waxa kale oo uu tixraacay warbixintii ergadii xaqiiqo-raadinta ee Midowga Afrika ee 2005, isaga oo sheegay in warbixintaasi ay si gaar ah u tilmaantay duruufaha taariikheed ee Somaliland.

Qayb muhiim ah oo khudbadda Madaxweynaha ka mid ahayd ayaa ku saabsanayd muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Bab el-Mandeb, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Bab el-Mandeb uu ka mid yahay marinnada badeed ee muhiimka u ah ganacsiga caalamka, isaga oo tilmaamay in khataraha amni iyo weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsigu ay saameeyeen isu-socodka badeecadaha, kharashaadka caymiska iyo amniga maraakiibta. Waxa uu sidoo kale xusay xaaladaha amni ee ka jira marinnada kale ee muhiimka ah, isaga oo ku dooday in isbeddelladaasi ay sii kordhinayaan muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa si gaar ah u soo bandhigay Dekedda Berbera, isaga oo sheegay in dekeddu tahay deked biyo-dheer oo la casriyeeyey, isla markaana ay maalgelin ballaadhan ku samaysay shirkadda DP World taas oo lagu kharash gareeyay dhaqaale gaadhaya 442 milyan oo dollar. Waxa uu sheegay in goobta Somaliland kaga taallo marin-biyoodka muhiimka ah ay Maraykanka siin karto fursado dhinaca ganacsiga, amniga badda iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed.

Madaxweynuhu waxa uu Somaliland ku tilmaamay meel muhiim u ah marinnada ganacsiga iyo amniga badda, isaga oo sheegay in dalkiisu doonayo inuu noqdo lammaane lagu kalsoonaan karo oo ka qayb qaata xasilloonida gobolka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, isaga oo xusay in labada dhinac ay xidhiidh rasmi ah yeesheen sannadkii 2020. Waxa uu sheegay in iskaashiga labada dhinac uu ku fiday dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga, isaga oo Taiwan ku tilmaamay lammaane muhiim ah oo Somaliland la yeelatay iskaashi dhinacyo badan leh.

Madaxweynuhu waxa uu khudbaddiisa xoogga ku saaray fursadaha Iskaashiga Amni ee Somaliland iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinaca amniga. Waxa uu sheegay in Somaliland ay muddo dheer ilaalinaysay amniga dhulkeeda iyo xeebaha, isaga oo tilmaamay in dalku uu door ka qaadan karo dadaallada lagu sugayo amniga marinnada badda ee gobolka. Waxa uu si gaar ah u xusay khataraha ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay ku jiraan weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga, isaga oo sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada iyo isu-socodka ganacsiga badda.

Dhinaca dhaqaalaha, Madaxweynaha ayaa sheegay in Dekedda Berbera iyo Aagga Dhaqaalaha Berbera ay abuuri karaan fursado maalgashi, ganacsi iyo shaqo-abuur. Waxa uu tilmaamay fursadaha uu sheegay inay ka jiraan Aagga Dhaqaalaha Berbera, oo ay ka mid yihiin dhiirrigelinno maalgashi iyo fududaynta hawlaha ganacsi. Waxa kale oo uu xusay marinka ganacsi ee Berbera iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in uu Somaliland siinayo fursad ballaadhan oo la xidhiidha isku xidhka dekedda Berbera iyo suuqyada waaweyn ee gobolka.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland leedahay khayraad badeed iyo macdaneed oo weli u baahan maalgashi iyo sahamin dheeraad ah. Waxa uu shirkadaha Maraykanka iyo maalgashadayaasha caalamiga ah ugu baaqay inay eegaan fursadaha maalgashi ee Somaliland, isaga oo xusay muhiimadda hufnaanta, nidaamka sharciyeed iyo ilaalinta heshiisyada maalgashi. Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aqoonsigu aanu Somaliland u ahayn oo keliya arrin siyaasadeed, balse uu sidoo kale la xidhiidho fursado dhinacyada horumarinta, maaliyadda, ganacsiga iyo maalgashiga.

Waxa uu sheegay in aqoonsi caalami ahi fududayn karo iskaashi rasmi ah oo dhinacyada kala duwan ah, gaar ahaan amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga. Gabagabadii, Madaxweynaha Somaliland ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Somaliland ay doonayso iskaashi qoto dheer oo ay la yeelato Maraykanka, isaga oo xoogga saaray muhiimadda juqraafiyeed ee Somaliland iyo doorka ay ka qaadan karto xasilloonida gobolka. Madaxweynuhu waxa uu dhinacyada Maraykanka ugu baaqay inay Somaliland ka eegaan dhinaca juqraafiyeed, amni iyo istiraatiijiyadeed, isaga oo tilmaamay in goobta Somaliland kaga taallo Gacanka Cadmeed iyo meel u dhow Bab el-Mandeb ay ka dhigayso dal muhiim u ah amniga iyo ganacsiga gobolka.