Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Waxbarashada Barbaarinta iyo Sayniska Somaliland ayaa Hargeysa ka daah-furtay shir-hawleed laba maalmood soconaya oo lagu raadinayo maalgelin lagu xoojinayo waxbarashada, si ay uga hortagto saamaynta sii kordhaysa ee isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha iyo xaaladaha adag ee saameeya nolosha bulshada iyo waxbarashada carruurta.
Shirka oo qayb ka ah Mashruuca CSESI, ayaa ay ka qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday wasaarado iyo hay’ado wada shaqayn la leh Wasaaradda Waxbarashada, iyadoo si gaar ah looga hadlay fursadaha maalgelinta, caqabadaha hortaagan waxbarashada iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga hay’adaha.
Wasaaradda ayaa sheegtay in muhiimadda shirka ay tahay sidii loo heli lahaa nidaam waxbarasho oo u adkaysan kara saamaynta isbeddelka cimilada, isla markaana awood u leh inuu sii wado adeegyada waxbarashada xilliyada ay bulshada wajahdo abaaro, barakac iyo xaalado kale oo adag.
Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah reer guuraaga, kuwaas oo noloshoodu si weyn ugu xidhan tahay roobka iyo daaqa, maadaama abaaraha iyo isbeddelka cimiladu ay sababi karaan guuritaan iyo in carruur badan ay ka maqnaadaan goobihii waxbarashada.
Shirku ayaa sidaas darteed ujeeddadiisu tahay sidii loo heli lahaa maalgelin, qorshayaal iyo iskaashi cusub oo waxbarashada ka dhigaya mid la jaanqaadi karta xaaladaha cimilada, si carruurta Somaliland aanay waxbarashadoodu u istaagin marka ay dhacaan abaaro iyo xaalado nololeed oo adag.
Masuuliyiinta iyo hay’adaha ka qaybgalaya kulanka ayaa sidoo kale ka wada shaqaynaya sidii loo dejin lahaa hab-raacyo lagu xoojinayo awoodda Wasaaradda iyo hay’adaha kale ee ay khusayso, si waxbarashadu u noqoto adeeg sii socda xitaa xilliyada ay bulshada la kulanto dhibaatooyin ka dhasha isbeddelka cimilada.




















