Hargeysa oo lagu Qabanayo Half Marathon-ka Bisha October iyo Dalal Badan oo Ku Tartamaya

0
34

Hargeysa (Dawan) Hargeysa ayaa isu diyaarinaysa munaasabad ciyaareed oo weyn, iyadoo 2-da Oktoobar 2026 magaalada lagu qabanayo tartanka Hargeysa Half Marathon, kaas oo ay ka qaybgalayaan orodyahanno ka imanaya dalal badan oo gobolka ah. Bulshada iyo taageerayaasha ciyaaraha ayaa loogu baaqay inay si weyn uga qaybqaataan soo dhawaynta iyo dhiirrigelinta ciyaartoyda.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL, Mudane Axmed-yasiin Maxamed Faarax, ayaa sheegay in tartanka ay iska kaashadeen Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Dahabshiil Group, Madaxtooyada iyo Dawladda Hoose ee Hargeysa, halka dhinaca amnigana ay wada shaqayn doonaan Booliska iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxaanu yidhi.“2/10/2026-ka waxa la qaban doonaa Orodka Hargeysa Half Marathon, waxaana ka soo qayb geli doona dalal badan oo aynu jaarka nahay.”

Wasiirku waxa uu bulshada ugu baaqay inay si wanaagsan u soo dhaweeyaan orodyahannada martida ah, isla markaana muujiyaan taageero iyo dareen wanaagsan, si tartanku u noqdo munaasabad si wanaagsan uga tarjumaysa Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Waxaan soo jeedinaynaa in si fiican loo daawado, dareen fiican iyo soo dhaweyn loo muujiyo, si ay xog fiican inooga gudbiyaan.”

Tartanka ayaa lagu soo gunaanadi doonaa Garoonka Hargeysa Stadium, waxaana Wasiirku ugu baaqay bulshada inay garoonka soo buuxiyaan, si ay u dhiirrigeliyaan ciyaartoyda una abuuraan jawi xamaasad leh.

Waxaanu yidhi.“Tartanku waxa uu ku dhammaan doonaa Garoonka Hargeysa Stadium, ee hala soo buux-dhaafiyo.”

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tartankani uu fursad u yahay horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhallinyarada, isaga oo xusay in uu kor u qaadayo muuqaalka iyo magaca Hargeysa.

Waxaanu yidhi.“Tartanku waxa uu qurxinayaa qaranimada JSL, waxaanu u soo jiidayaa magac weyn.”

Hargeysa Half Marathon ayaa sidaas ku noqonaya mid ka mid ah munaasabadaha ciyaareed ee lagu wado inay magaalada Hargeysa isugu keenaan ciyaartoy, taageerayaal iyo marti ka kala imanaysa dalal kala duwan, iyadoo 2-da Oktoobar la filayo in magaalada ay ka muuqato xamaasadda tartanka orodka.

 

 

 

 

Wasaaradda