Warbixin: “Somaliland oo rabta inay door ka qaadato hawlgal caalamiya oo xoojinaya xidhiidhka Hargeysa iyo Washington!”
Il Caffè Geopolitico oo warbixin ka diyaarrisay diyargarowga Somaliland ee hawlgalka ISF
Qore Axmed M. Saleebaan
Washington (Dawan) Warbaahinta Il Caffè Geopolitico, oo ah joornaal caalami ah oo fadhigiisu yahay dalka Talyaaniga, kana faallooda siyaasadda caalamka iyo arrimaha juqraafi-siyaasadeed, , ayaa daabacay warbixin cusub oo ciwaan looga dhigay geesinimada Somaliland, “L’audacia del Somaliland”. Warbixintu waxay si gaar ah diiradda u saartay doorka Somaliland ee qorshaha ciidanka caalamiga ah ee International Stabilization Force (ISF), kaas oo la qorsheynayo in loo diro Gaza, iyadoo Maraykanku door hoggaamineed ku leeyahay qorshaha. Sida lagu sheegay warbixinta, tallaabada Somaliland ayaa ah mid istiraatiiji ah, maadaama ay ku soo beegantay xilli Washington ay raadineyso ciidamo iyo dowlado diyaar u ah inay ka qaybqaataan hawlgalka caalamiga ah ee xasilinta Gaza.
Warbixinta oo uu qoray Livia Daccò Coppi waxay si qoto-dheer uga hadashay soo jeedintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ee ah in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay inay 2,000 askari ku biiriso hawlgalka caalamiga ah ee ciidamada xasilinta Gaza, haddii dhinacyada ay khusayso ay si rasmi ah u codsadaan. Sidoo kale warbixintu waxay si gaar ah uga hadashay doorka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somailand ay ka qaadan karto hawlgalkan oo hoos yimaada dalladda Board of Peace iyo qorshaha ballaadhan ee International Stabilization Force (ISF), kaas oo noqonaya ciidan caalami ah oo ay ka qayb qaataan dalal kala duwan.
Warbixintu waxay xustay in dalal dhowr ah ay hore u muujiyeen inay diyaar u yihiin inay ciidamo ku biiriyaan hawlgalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kosovo, Albania, Morocco iyo Kazakhstan, isla markaana ay Somaliland dhawaan ku biirtay dalalka muujiyay diyaar-garowgooda. Sida lagu sheegay warbixinta, hawlaha loo qorsheeyay ciidamadan waxaa ka mid ah: Tababarka ciidamada booliska, Sugidda xuduudaha; Taageeridda geeddi-socodka hub-ka-dhigista; Ilaalinta shacabka rayidka ah; Sugidda marinnada gargaarka bani’aadantinimo iyo Ka qaybqaadashada xasilinta amniga gudaha Gaza.
Sida ay tilmaantay warbixinta Il Caffè Geopolitico, diyaar-garowga Jamhuuriyadda Somaliland, waxay qayb ka noqon kara dadaallada Hargeysa ay ku xoojinayso xidhiidhkeeda amni iyo diblomaasiyadeed ee caalamka, gaar ahaan Maraykanka. Warbixintu waxay sheegtay in Somaliland doonayso inay muujiso inay tahay lamaane awood u leh inuu ka qaybqaato hawlgallada caalamiga ah ee la xidhiidha nabadda iyo amniga. Waxa kale oo warbixintu tilmaantay in soo jeedinta Somaliland ee ah inay bixiso 2,000 askari ay leedahay miisaan muuqda, maadaama tiradaasi ay noqon karto qayb muhiim ah oo ka mid ah ciidanka xasilinta ee loo qorsheeyay Gaza. Warbixintu waxay arrintan ku xidhiidhinaysaa dadaalka Somaliland ay ku doonayso inay ku xoojiso xidhiidhkeeda caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo iskaashiga istiraatiijiga ah.
Sidoo kale waxa lagu xusay warbixinta in haddii soo jeedinta Somaliland la aqbalo, ay taasi Somaliland siin karto fursad ay kaga qaybqaadato hawlgal caalami ah oo diiradda saaraya nabadda iyo amniga. Iyadea oo ka qaybgalkaasi uu sidoo kale u noqon karo fursad ay Somaliland ku muujiso awoodda iyo diyaar-garowga ciidamadeeda, doorkeeda amni ee gobolka, iyo rabitaankeeda ah inay qayb ka noqoto hawlgallada caalamiga ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, dhanka kale, ka qaybgalka hawlgal noocan oo kale ah wuxuu Somaliland u abuuri karaa fursad ay ku xoojiso xidhiidhka ay la leedahay dalalka danaynaya xasilloonida Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe. Iyada oo arrintani ay si gaar ah muhiim ugu noqon karto dhinaca iskaashiga amniga iyo xidhiidhada diblomaasiyadeed. Sidoo kale waxay sheegtay in arrintani ay yeelan karto muhiimad siyaasadeed iyo amni oo ka gudubta Gaza, iyadoo saamayn ku yeelan karta xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka iyo guud ahaan isbeddellada siyaasadeed iyo amni ee ka socda Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.




















