Mirror Now: “Hargeysa oo u Dabaal-deggaysa Rejadda Aqoonsigga Somaliland”

0
18

Hargeysa (Dawan) Warbixin uu telefishanka caalamiga ah ee Mirror Now ka baahiyey Somaliland ayaa lagu soo bandhigay rejada iyo dareenka shacabka Somaliland ee ku aaddan helitaanka aqoonsi caalami ah, gaar ahaan doorka ay dawladda Maraykanku ka qaadan karto arrintan. Warbixintu waxa kale oo ay iftiimisay muhiimadda xidhiidhka Somaliland iyo Washington u leeyahay siyaasadda gobolka, iyadoo arrinta aqoonsiga lagu tilmaamay mid muhiim ah oo saamayn ku yeelan kara xidhiidhka diblomaasiyadeed, dhaqaalaha iyo iskaashiga amniga ee Geeska Afrika.

Sida lagu sheegay warbixinta Mirror Now oo uu Wargeyska Dawan soo xigatay, kumanaan qof oo reer Somaliland ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka caasimadda Hargeysa, iyaga oo lulaya calamada Somaliland iyo Maraykanka, si ay u muujiyaan taageeradooda aqoonsiga caalamiga ah iyo rajada ay ka qabaan in dawladda Maraykanku Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan.

Warbixintu waxa kale oo ay soo bandhigtay muwaadin Maraykan ah oo booqasho ku jooga Hargeysa, kaas oo sheegay in shacabka Somaliland ay muujiyeen farxad la xidhiidha war uu sheegay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, kaas oo Somaliland ku tilmaamay dal gaar ah. Muwaadinkan oo la hadlay telefishanka Mirror Now isaga oo ku sugan Hargeysa, ayaa yidhi: “Waxaan maanta joogaa Hargeysa, halkaas oo dadku u dabaaldegayaan sababtoo ah Donald Trump ayaa sheegay in Somaliland tahay dal gaar ah.”

Muwaadinkan Maraykanka ah ayaa intaa ku daray in uu aad ula dhacay shacabka Somaliland, isaga oo ku sifeeyey dad naxariis badan, deeqsi ah oo si wanaagsan u soo dhaweeyey. Waxa kale oo uu sheegay in uu doonayo in uu booqdo dalalka dunida, isla markaana uu Somaliland u yimid isaga oo xiisaynaya in uu barto dadkeeda iyo deegaankeeda.

Muwaadinka Maraykanka ah ayaa ammaanay quruxda Somaliland iyo soo dhoweynta uu kala kulmay bulshada, isaga oo sheegay in waayo-aragnimada uu halkaas ku yeeshay ay ahayd mid wanaagsan, isla markaana uu dadka kale kula talinayo inay Somaliland soo booqdaan.