Somaliland oo Qorshaynaysa Fidinta 900km oo Xadhkaha Internet-ka Fiber-Optic ah

0
19

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa dardargelinaysa qorshe lagu fidinayo xadhkaha internet-ka ee fiber-optic-ga oo gaadhaya 900 KM, si loo ballaadhiyo isku-xidhka internet-ka, si kor loogu qaado adeegyada dijitaalka ah, loona xoojiyo horumarka tiknoolajiyadda dalka. Qorshahan ayaa ka mid ahaa qodobadii lagaga hadlay kulanka toddobaadlaha ah ee Wasaaradda, kaas oo uu furay Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Dr. Cabdisalaan Xuseen Cawaale.

Kulanka waxa kale oo diiradda lagu saaray hirgelinta mashaariicda dijitaalka ah, horumarinta hal-abuurka iyo casriyeynta adeegyada hay’adaha dawladda. Xadhkaha cusub ee internet-ka ayaa la qorsheeyey inay xoojiyaan isku-xidhka Hargeysa, Berbera iyo deegaanno kale, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu ballaadhinayo helitaanka internet tayo leh.

Waxa kale oo kulanka lagu qiimeeyey horumarka mashruuca Is-dhexgalka Dijitaalka ah ee Bariga Afrika (EA-RDIP), oo Somaliland ka heshay qiimayn wanaagsan oo ku saabsan fulinta hawlaha mashruuca. Dhinaca kale, Wasaaraddu waxay ka shaqaynaysaa diyaarinta Carwada iyo Shirweynaha 8-aad ee Tiknoolajiyadda Somaliland 2026, oo la filayo inay isu keento shirkadaha, khubarada iyo dhallinyarada ku hawlan tiknoolajiyadda, isla markaana lagu soo bandhigo hal-abuurka iyo xalalka cusub ee dijitaalka ah.

Kulanka waxa sidoo kale lagaga hadlay qorshe istaraatiiji ah oo shan sano ah oo lagu horumarinayo hal-abuurka tiknoolajiyadda, kaas oo ay Wasaaraddu iska kaashanayaan Baanka Adduunka iyo daneeyayaal kale, kulamada wadatashiga ee qorshahan ayaa waxa ka qaybgalay ku dhawaad 20 daneeye.

Wasaaraddu waxay sidoo kale mudnaan siinaysaa sidii hay’adaha dawladda loo gaadhsiin lahaa adeegyo internet oo tayo leh oo la isku hallayn karo, iyadoo la falanqeeyey doorka nidaamyada ICT iyo kamaradaha amnigu ku leeyihiin casriyeynta adeegyada iyo hawlaha hay’adaha.

Kulankan toddobaadlaha ah ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ku horumarinayso kaabayaasha internet-ka, kuna dardargelinayso adeegyada dijitaalka ah, si loo xoojiyo isku-xidhka, hal-abuurka iyo horumarka tiknoolajiyadda dalka.