Maayarka Hargeysa Oo Nayroobi u jooga Dardargelinta Mashruuca Horumarinta Caasimadda

0
19

 

Nayroobi (Dawan) Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa hawlo shaqo u jooga magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, isaga oo xoogga saaraya dardargelinta Mashruuca Horumarinta Magaalooyinka Somaliland ee SURP-II, oo muhiim u ah horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee caasimadda.

Duqa Hargeysa waxa booqashadan ku wehelinaya agaasimeyaasha Dawladda Hoose u qaabilsan mashruuca iyo saraakiisha farsamo ee fulintiisa, kuwaas oo ka wada shaqaynaya xoojinta isku-duwidda hawlaha iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed.

Mashruuca SURP-II oo uu maalgeliyo Bangiga Adduunka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabayaasha magaalooyinka Somaliland, korna loogu qaadayo tayada adeegyada ay bulshadu hesho.

Inta ay booqashadu socoto, waxa diiradda la saarayaa dardargelinta hawlaha mashruuca, xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada ay khusayso iyo xaqiijinta in qorshayaasha loo dejiyey loo fuliyo si waafaqsan yoolalkooda.

Dawladda hoose ee Hargeysa ayaa dadaalladan ku doonaysa inay xoojiso iskaashiga hay’adaha horumarinta, isla markaana ay hirgeliso mashaariic wax ka tara baahiyaha sii kordhaya ee caasimadda, si loo helo kaabayaal dhaqaale oo casri ah iyo adeegyo bulsho oo tayo leh.

Booqashada Nayroobi ayaa qayb ka ah dedaalada lagu dardargelinayo mashruuca SURP-II, inkasta oo aan weli la shaacin natiijooyinka gaarka ah ee laga filayo kulamada socda ama jadwalka dhammaystirka hawlaha mashruuca.