Baraha Bulshada Oo Ayeeyooyinka iyo Dadka Da’da ah u Furay Nolol Cusub iyo Fursaddo Dhaqaale

0
18

Lillian Droniak oo 96 jir ah, oo ay taageerayaasheeda baraha bulshada u yaqaanaan Ayeeyo Droniak, ayaa caan ka noqotay baraha bulshada bishii Juun ka idb markii ay sheegtay in guriga hawlgabka ee ay degan tahay uu ugu hanjabay in laga saari doono sabab la xiriirta in ay xaflado qabato. Gurigu wuxuu goor dambe xaqiijiyay hanjabaaddaas, balse waxay Droniak la gaareen heshiis u oggolaanaya in ay sii waddo xafladaha balse aanay bixin karin cabitaannada khamriga ah.

Haweenaydaan oo ay ku xiran yihiin 15 milyan oo taageerayaal ah, Droniak waxay shakhsiyaddeeda ka dhigatay ganacsi faa’iido badan leh, iyada oo ka heleysa baraha bulshada lacag ku filan oo ay ku bixiso qarashka xarunta daryeelka ee ah 12,000 oo dollar oo u dhiganta 9,00o, oo gani bishii. Ayeeyadan ka soo jeeda gobolka Connecticut ayaa ka mid ah haween badan oo da’ ah oo ka hela sumcad lama filaan ah internet-ka, iyadoo inta badan dadka daawanaya ay yihiin kuwo da’doodu yar tahay oo xataa noqon kara carruurteeda carruurtooda.

Waxay soo jiidanaysaa dad cusub iyadoo ka hadasha mowduucyo kala duwan, laga bilaabo dharka iyo cuntada ilaa shukaansiga iyo arrimaha guriga. Xaaladaha qaarkood, caannimada ay ka heleen baraha bulshada ayaa xitaa haweenkan u horseedaysa inay helaan ujeeddo cusub oo nololeed. “Mar walba waan ogaa inaan awood u leeyahay inaan caan noqdo, balse marnaba uma malaynayn in arrintaasi igu dhici doonto anigoo sagaashameeyada ku jira,” ayay Droniak sheegtay.

Waxay sharraxday in wiil ay ayeeyo u tahay uu bilaabay inuu ka caawiyo soo gelinta muuqaalladeeda baraha bulshada sannadkii 2020, markii hore si ay isaga maaweeliyaan caajiska. Waxay aaminsan tahay in sababta ay dadka u soo jiidato ay tahay inay dhallinyarada tusto in noloshu aanay dhammaan marka qofku gaboobo. “Waxay u malaynayaan in dadka waayeelka ahi ay iska fadhiistaan oo derbi fiiriyaan, laakiin waxaan muujinayaa in gabowgu aanu sidaas u xumayn. Waan aqbalnaa gabowga, welina waan madadaalan karnaa. Aniguna weli xafladaha waan aadaa, mararka qaarkoodna bannaanka ayaan u baxaa,” ayay tiri.

Wiilka ay ayeeyada u tahay ayaa wax ka beddela oo diyaariya muuqaallada xayeysiiska ah ee ay baraha bulshada soo dhigto, kuwaas oo ay ku jiraan iskaashiyo ay la leedahay shirkadaha cuntada iyo waxyaabaha quruxda lagu daryeelo. Marka laga soo tago bixinta kharashka hoyga iyo daryeelka kalkaalinta ee xarunta ay deggan tahay, lacagta ay hesho waxaa sidoo kale qayb ka mid ah loogu shubaa sanduuq waxbarasho oo loogu talagalay carruurta ay ayeeyada u tahay.

Inkasta oo taageerayaasheedu ay mararka qaarkood ku aqoonsadaan goobaha dadweynaha, haddana waxay sheegtay in caannimadeedu ay si ka duwan uga muuqato xarunta dadka waayeelka ah ee ay deggan tahay. “Ma fahmaan arrintan, sababtoo ah TikTok ma isticmaalaan,” ayay tidhi. “Aad ayaan uga taxaddaraa heshiisyada xayeysiiska ee aan shirkadaha caanka ah la galo”

Dhinaca kale ee Badweynta Atlaantik, waxaa joogta Viv Truran, oo ah haweeney 82 jir ah oo ka soo jeedda magaalada Cardiff, isla markaana caan ku ah kaftanka iyo farxadda. Waxay bilowday inay muuqaallo iyo sawirro ku baahiso Instagram-ka kaddib markii uu geeriyooday seygeedu. Deriskeeda ayaa ku dhiirrigeliyay inay duubto muuqaallo muujinaya dharkeeda midabada badan leh.

Hadda waxay maalintii duubtaa laba muuqaal, iyadoo ku duubta qolkeeda jiifka oo ay ka dhigtay istuudiyo. Muuqaalladeeda waxay ku soo bandhigtaa dharkeeda, 22-ka lammaane ee muraayadaha indhaha iyo laba khaanadood oo ay ku kaydsato garbasaarrada. “Subax kasta waan kacaa, umana soo dego dabaqa hoose ee guriga ilaa aan duubo muuqaalkayga subaxnimo. Arrintaas aad ayaan ugu adagahay,” ayay tidhi.

Waxay sidoo kale haysataa buug ay ku diiwaangeliso tirada dadka kala socda baraha bulshada iyo daawashada muuqaalladeeda, waxayna hadda ku jirtaa buuggeedii shanaad. Truran waxaa si joogto ah u joojiya dad aanay aqoon oo waddooyinka kula kulma, kuwaas oo badankoodu ah haween da’doodu u dhexayso 20-meeyada iyo 30-meeyada. Waxay u sheegaan inay “ka baqayaan gabowga”, iyaduna waxay tustaa in “gabowgu aanu sidaas u xumayn”.

Shirkaduhuna way dareemeen caannimadeeda. Truran waxay sheegtay inay “doqonnimo ahaan lahayd” haddii ay diidi lahayd heshiisyada xayeysiiska, balse waxay si taxaddar leh u doorataa shirkadaha ay la shaqaynayso. Waxay bishii samaysaa dhowr qoraal ama muuqaal oo xayeysiis ah, iyadoo mudnaanta siisa shirkadaha maxalliga ah iyo hay’adaha samafalka, sida Age UK, oo u adeegta dadka waayeelka ah ee UK.