Agaasimaha Caafimaadka JSL oo Xisbiga Kaah ku Dhaliilay Dhacdadii Cusbitalka Burco

0
17

Burco (Dawan) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa si adag uga hadlay dhacdo shalay ka dhacday Cusbitaalka guud ee Magaalada Burco, taas oo la xidhiidha mashiinno uu Xisbiga Kaah shegay in uu geynayay cisbitaalka. Agaasimaha guud ee Wasaarada horumarinta Caafimaadka waxa uu tilmaamay in uu ka xun yahay in la siyaasadeeyo arimaha Caafimaadka.

Agaasimaha ayaa sheegay in bukaanada cusbitaalada yaala iyo caafimaadkuba aanay siyaasad galin, xisbiga Kaahna looga baahan yahay inay keenaan wixii ay ballanqaadeen, laakiin ay joojiyaan beenta iyo barobagaandada ay sheegeen. Waxa uu xusay in bukaanadu aanay u baahnayn Kamarado, cusbitaaladuna ay u baahan yihiin amaro loo qaato, sidaas awgeed haddaba looga fadhiyo fulinta ballanqaadkii ay sameeyeen.

Dr. Axmed Maxamuud Jaamac oo arrimhaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xisbiga Kaah waa xisbi qaran waxa uu balanqaaday Mishiino ka wasaarad ahaan waanu soo dhawaynay. Waxa aanu arkaynay in ay baahida bukaanada wax ka tarayaan. Xisbiga Kaah mishiinadii kalyaha way keeneeen badhasaabka oo la balamay manay soo marin. Waan ka xumahay in siyaasad laga dhigo arimaha noocaasa,.”

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, waxa kale oo uu intaas ku daray “Xisbiga Kaah waxa aan leeyahay wixii aad balanqaadeen waa laydiinka fadhiyaa, ama diida oo la noqda ama soo celiya. Agaasimihii cisbitaalka Burco wuu joogaa, guddoomiyihii gobalkuna wuu joogaa iyaga ayaana idinkala wareegaya, markaa hadaad run sheegaysaan kaalaya. Xisbiga Kaah waxa aan leeyahay hadii ay run idinka tahay waa loo baahanyahay imikaba keena. Mishiinadii Madaxweynaha keenay waxa aan arkayay nin xisbiga Kaah ka tirsan oo leh waa Mishiino la furfuray, markaa xisbiga Kaah waxaan leeyahay beentu ma fiicna, waa mishiino barooya, nagamana suurtawdo wax kastoo loogu adeegayo bukaanada in aanu diidno”.

Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, oo ay weheliyaan Badhasaabka Gobolka Togdheer iyo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka Togdheer, ayaa mishiinnada sifaynta kelyaha ku wareejiyay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Burco. Mishiinnadan ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana lagu xoojinayaa dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan adeegga sifaynta kelyaha ee Cusbitaalka Guud ee Burco.

Mishiinnadani waxay wax weyn ka tari doonaan horumarinta adeegga sifaynta kelyaha iyo kor u qaadista awoodda cusbitaalka ee daryeelka bukaannada u baahan adeeggan. Waxa kale oo ay muhiim u yihiin fududaynta helitaanka adeegyada caafimaadka ee bulshada Gobolka Togdheer, gaar ahaan dadka la nool xanuunnada kelyaha ee u baahan sifayn joogto ah. Wareejintan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka dalka, laguna xoojinayo awoodda cusbitaallada gobollada si bulshada loogu helo adeegyo caafimaad oo baahiyahooda daboolaya.