Hargeysa (Dawan) Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow ayaa si adag uga hadlay hadallada iyo eedaha baraha bulshada ee lagula kacay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Batuun, isaga oo ku tilmaamay falkaasi mid xaq-darro ah oo xambaarsan cunsuriyad iyo meel-ka-dhac shakhsiyeed.
Boqorku waxa uu xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay baadhitaan rasmi ah ku samayso cid kasta oo ka dambaysay abaabulka arrintan, isla markaana maxkamad la horkeeno cid kasta oo lagu helo inay sharci-darro ku kacday.
Boqor Buur-madow ayaa sheegay in waxa Wasiir Barkhad lagula kacay aan loo arki karin dhaliil siyaasadeed oo caadi ah, balse uu u arko gef iyo xaq-darro aan habboonayn in laga aamuso, isaga oo xusay in weerarrada noocan ahi ay dib u soo noolaynayaan dhaqammo uu ku tilmaamay cunsuriyad hore bulshada dhexdeeda looga shaqayn jiray.
Waxa uu hoosta ka xariiqey in aan qofka lagu beegsan karin hadallo dhaawacaya karaamadiisa, isaga oo aan loo hayn caddayn lagu xaqiijinayo eedaha loo jeedinayo.
Waxaanu yidhi.“Arrinta lagula kacay Wasiir Barkhad waxay ka mid tahay cunsuriyaddii laga shaqayn jiray, waxaana arrintan ka shaqeeyey shakhsiyaad gaar ah, waana arrin xaq-darro ah oo meel-ka-dhac ku ah,”
Boqorku waxa uu xukuumadda ugu baaqay inaanay arrintan ku koobin cambaarayn iyo hadal keliya, balse ay si rasmi ah u baadho dhacdada, una ogaato cidda abaabushay iyo dadka ku lug lahaa, si haddii dembi sharciyeed lagu caddeeyo loogu qaado tallaabo waafaqsan sharciga.
Waxaanu yidhi.“Waxaan u soo jeedin lahaa in ficilladaas edeb-darrada ah xukuumaddu baadhis rasmi ah ku samayso ciddii abaabushay, oo maxkamad la soo taago, oo aan lagaga hadhin,”
Geesta kale Isaga oo sii faahfaahinaya sida uu u arko waxa Wasiirka lagula kacay, ayuu Boqor Buur-madow sheegay in arrintu tahay nabar xaq-darro ah oo aan mudnayn in lagu niyad-jabiyo masuul xil qaran haya.
Waxa uu Barkhad Batuun kula taliyey inuu u wajaho dulqaad iyo bisayl, isaga oo tusaale u soo qaatay sida nebiyadii iyo asxaabtii loogu been abuuri jiray, si uu u muujiyo in dadka magac iyo sumcad leh ay mararka qaarkood la kulmaan eedo iyo hadallo aan xaqiiqada ku dhisnayn.
Waxaanu yidhi. “Waxa lagula kacay waxba kama jiraan, waa nabar xaq-darro, waa arrin meel-ka-dhac ah. Marka waxaan leeyahay Barkhad waa inuu u qaataa sidii nebiyadii iyo asxaabtii oo laga been sheegi jiray,”
Waxa uu intaa ku daray in Barkhad Batuun yahay masuul bisil oo ay bulshadiisu jeceshahay, Somaliland-na taageero ku dhex leh, isaga oo xusay in wasiirku taageero dadweyne ku helay doorasho.
Waxaanu yidhi. “Isaguna waa nin bisil, bulshadiisuna jeceshahay, Somaliland-na ay jeceshahay, waa ninkii ay doorteen 28 kun oo qof.
Soomaalidana waxa la yaqaannaa in burush rijile la mariyo qofkii magac leh. Waxaan leeyahay, Alle nabar xaq-darro hakaaga dhigo,”
Boqor Buur-madow ayaa difaacay Wasiir Barkhad Batuun, isaga oo xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay baadhitaan rasmi ah ku samayso ceebaynta iyo eedaha lagula kacay, cid kasta oo fal-dembiyeed lagu helo na sharciga la horkeeno.
Waxa uu ku tilmaamay arrintaasi xaq-darro iyo cunsuriyad, isaga oo wasiirka ku dhiirrigeliyey inuu ilaashado bisaylkiisa iyo kalsoonidiisa, isla markaana la kala saaro dhaliisha siyaasadeed iyo weerarrada dhaawacaya karaamada qofka.




















