Dalal badan oo Afrikaan ah ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinaya sidii ay khayraadkooda dabiiciga ah ugu farsamayn lahaayeen gudaha dalalkooda, halkii ay markii hore khayraadkooda oo qaydhiin uga dhoofon jireen suuqyada caalamka. Tallaabadan ayaa lagu sheegey mid istaraatiiji ah oo lagu doonayo inay kor u qaaddo qiimaha khayraadka iyo xoojinta shaqo-abuurko, isla markaana lagu badhaadhiyo koboca dhaqaalaha iyo horumarinta warshadaha gudaha.
Dadaalladan waxaa ka mid ah warshad cusub oo dahabka lagu sifeeyo oo laga hirgeliyey Itoobiya, qorshaha dhismaha warshad weyn oo shidaalka sifaysa oo Kenya laga fulinayo iyo mashaariic kale oo la xidhiidha soo saarista bacriminta beeraha iyo horumarinta kaabeyaasha tamarta. Itoobiya ayaa ka mid ah dalalka gobolka ee tallaabooyinka muuqda ka qaadaya dhinaca warshadaynta khayraadka. Warshad dahabka lagu sifeeyo oo ku kacday in ka badan 50 milyan oo dollar ayaa la filayaa inay dalka u suurageliso in dahabkiisa gudaha lagu farsameeyo, kadibna loo dhoofiyo suuqyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Sidoo kale, Itoobiya waxay iskaashi la samaynaysaa shirkadda Dangote Group ee uu leeyahay ganacsadaha reer Nigeria, Aliko Dangote, si loo horumariyo wax-soo-saarka bacriminta beeraha. Mashruucani wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in lagu yareeyo ku tiirsanaanta bacriminta dibadda laga keeno, isla markaana lagu xoojiyo wax-soo-saarka beeraha. Dhinaca kale, waxaa socda mashruuc lagu dhisayo dhuun shidaal oo isku xidhi doonta Jabuuti iyo Itoobiya, kaas oo qiimihiisa lagu qiyaasay in ka badan 660 milyan oo dollar. Dhuuntan ayaa la filayaa inay fududayso gaadiidka shidaalka laga soo qaado dekedda Jabuuti lana geeyo gudaha Itoobiya.
Kenya ayaa iyaduna waddo qorshe lagu dhisayo warshad shidaalka sifaysa oo lagu qiyaasay kharashkeedu ku dhowaad 16 bilyan oo dollar. Haddii mashruucani hirgalo, waxa uu wax ka beddeli karaa habka shidaalka looga farsameeyo Bariga Afrika, isaga oo fursado cusub u abuuri kara waaxda tamarta iyo warshadaha. Ganacsadaha Aliko Dangote ayaa ka mid ah dadka sida weyn u taageera in dalalka Afrika ay khayraadkooda ku farsameeyaan gudaha qaaradda, halkii ay alaabta qaydhiin dhoofin lahaayeen, kadibna dibadda uga soo iibsan lahaayeen badeecadaha dhammaadka ah.
Dangote ayaa aaminsan in horumarka Afrika uu ku xidhan yahay awoodda ay dalalkeedu u yeeshaan inay dhistaan warshado, abuuraan shaqooyin, isla markaana xoojiyaan iskaashiga ganacsi ee u dhexeeya dalalka qaaradda. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in caqabadaha hortaagan isu-socodka dadka, badeecadaha iyo adeegyada ay ka mid yihiin arrimaha gaabiska ku keenaya koboca dhaqaalaha Afrika. Sidaas darteed, hirgelinta Heshiiska Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika ayaa loo arkaa fursad lagu ballaadhin karo suuqyada iyo iskaashiga dhaqaale.




















