Hargeysa (Dawan) Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Amb. Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa sheegay in Somaliland ay dhinaca tiknoolajiyadda ku tallaabsatay horumar la taaban karo, isaga oo dhiirrigeliyey shirkadaha iyo hal-abuurayaasha dalka inay sii xoojiyaan dedaallada ay ugu jiraan horumarinta adeegyada casriga ah. Waxa uu yidhi “Somaliland Tiknoolajiyadda Meel Fiican bay Maraysaa Marka Adduunka loo Eego”.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa hadalkan ka sheegay Carwada iyo Shirweynaha 8-aad ee Tiknoolajiyadda Somaliland 2026, halkaasi oo shirkado kala duwan ku soo bandhigeen hal-abuurkooda, adeegyada cusub iyo wax-soo-saarkooda dhinaca tiknoolajiyadda.
Waxa uu bogaadiyey shirkadaha ka qaybgalay bandhigga, isaga oo ku boorriyey inay laba-jibaaraan dedaalkooda, isla markaana ka shaqeeyaan sidii tiknoolajiyaddu door muuqda uga qaadan lahayd horumarka dalka iyo nolosha bulshada.
Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenku waxa uu ka digay khataraha ka dhalan kara isticmaalka aan habboonayn ee tiknoolajiyadda, gaar ahaan saamaynta ay ku yeelan karto dhallinyarada, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la hago, lana baro isticmaalkeeda masuuliyadda leh.
Ugu dambayn, waxa uu hambalyo u diray Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland, isaga oo ku ammaanay qabanqaabada shirweynahan iyo carwadan fursadda siinaysa dhallinyarada hal-abuurka leh inay soo bandhigaan fikradahooda, isla markaana kor loogu qaado horumarinta tiknoolajiyadda dalka.




















