Noocyo Hurdada Iyo Fadhiga Kamida Oo La Ogaaday Inay Keenaan Dhimashada Deg Dega Ah

0
636

Iyada oo hurdada oo si fiican loo seexdaa ay keento caafimaad badan ayay haddana khubarada caafimaadku sheegeen in ay jiraan qaybo hurdada kamid ah ama hurdada la seexdo hababka loo seexo qaar kamid ah oo keena dhimashada deg dega ah ama waxa loo yaqaano Mawtul qaflaha.
Khubaradan ayaa sheegay in hurdada dheer iyo sidoo kalena fadhiga dheeri inuu keeno dhimashada deg dega ah ama kediska ah iyo dhimashada badan labadaba,taas oo ay sabab uga dhigeen in uu khal khal galo dhiiga jidhka isaga yimaada ee safayntiisu marto beerka,iyada oo uu beerku sii daayo mararka qaar sun badan ama uu wax noqdo marka uu dhiig badan oo khal khalsani soo gaadho.
Culimada caafimaadka jaamacadda University of Sydney oo kamid ah jaamacaddaha ugu waaweyn wadanka Australia ayaa sheegay in qofka oo hurda muddo dheer oo gaadhaysa qiyaas ahaan ilaa 9 saacadood ,sidoo kalena fadhiya muddo dheer oo ay ku qiyaaseen ilaa 7 saacadood oo aan samayn wax jimicsi ah toddobaadyadaasi  ugu yaraana ilaa 150 minutes toddobadkii inay suurtogal tahay inuu dhinto marka loo eego dadka kale,iyaga oo dhinac dhigay afartii qofba in mid sidaasi noqdo.
Ninka masuulka ka ahaa daraasadan oo lagu magcaabo Dr Melody Ding oo warbixin siinaayey wargeys caafimaad ayaa sheegay in ay dhowaanahan soo badanayeen dhacdooyinka noocan ah ,gaar ahaana dadka oo siyaalahan u dhinta,taasina ay ahayd sababta keenay inay daraasadan sameeyaan.
Khabiirka ayaa intaasi raaciyey in fadhiga badani yahay mid u xun caafimaadka dadka,sidoo kalena waxa uu sheegay inuu sameeyo nolosha,waxa uu intaasi sii raaciyey in hurdaduna ay tahay mid iyaduna sidaasi oo kale haday badato khatar ku ah caafimaadka dadka,iyada oo uu sheegay inay daraasdani tahay tii ugu horeysay ee laysu barbar dhigaayo labadan ficil iyo samaynta ay nolosha ku lee yihiin.
Daraasado hore oo la sameeyey sannadihii 2013 iyo 2006 ayaa lagu sheegay in 230,000 oo qof ay u dhinteen xaaladaha noocan ah,iyada oo ay da’aan ka weynaayeen 45 ilaa 6 sanno,iyada oo saddex meelood dhimashadaasi ay tahay mid ka timid caafimaad daro dhinaca hurdada iyo fadhiga ah.
Waxaanay khubaradani kusoo gunaanadeen darasadoodan in loo baahan yahay inay dadku si fiican wax u cunaan,u seexdaan una jimicsadaan toddobaadkiiba maalmo cayiman.
 
 
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here