Gabadh jirta sagaal sanno kaliya oo lagu magacaabo Milla Bizzoto ayaa la dhamaystirtay jimcis ay qadanayeen ciidamo Maraykan ah muddo 24 saacadood ah. Jimcsigan oo aad u adkaaa ay gabdhu si weyn uga qayb qaadatay, Waxaana jimicsiga ku jirtay 8 km oo la ordayay oo ay ka qayb gashay , gurguurasho loo kala gudbayo dhufaysyada kala duwan.
Milla ayaa bilawday tababarka markii ay ahayd 7 sano, iyadoo uu macalin u ahaa Christain kaasi oo sheegay in wakhtigan ay gabadha yari awood u leedahay inay difaacdo nafteeda.
Gabadhan yar oo aad looga yaabay ayaa doonaysay inay jimicsiga joojiso kadib markii ay ka cabatay lawyada, hasa yeeshee waxa lagu kaalmeeyay lacag dhan 164 malyuun oo doler si ay u wadato jimcigeeda, taasi oo ay ku isticmaali doonto arrimaha caafimaadka.




















