Madaxweynaha Somaliland oo la Kumlay Madaxweyne ku xigeenka ahna Raysal-wasaaraha Imaaraadka Carabta

0
295

 

UAE(Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Dr Cabdiaxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,iyo wefti uu hoggaaminayo oo maalmihii u dambeeyay safar shaqo ku jooga dalka Imaaraadka Carabta,ayaa shalay la kulmay Madaxweyne ku xigeenka ahna Raysal-wasaaraha dalka Iustagga Imaaraadka Carabta 𝐒𝐡𝐞e𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐨𝐮𝐦

Socdaalka shaqo ee Madaxweynaha Somaliland ku joogo dalka Imaaraadka Carabta oo u uku tegay booqasho rasmi ah,ayay Madaxweynaha iyo weftigiisu kulanka Madaxweyne ku xigeenka imaaraadka Carabta ka hor dalkaas kaga qayn galeen shirweynaha adduunka.

 

War-saxaafeed ka soo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan,ayaa u dhignaa sidan. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maalmihii u dambeeyay ku guda jira Safarkiisii Shaqo ee uu ku tegay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa kulan mihiim ah leeshay 𝐒𝐡𝐞e𝐤𝐡 𝐌𝐨𝐡𝐚𝐦𝐦𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐑𝐚𝐬𝐡𝐢𝐝 𝐀𝐥 𝐌𝐚𝐤𝐭𝐨𝐮𝐦 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaaraha Dalka Imaaraadka Carabta , isla markaana ah Amiirka Mandaqadda Dubai.

Sidoo kale, Madaxweynaha JSL waxa uu la kulmay 𝐒𝐡𝐞e𝐤𝐡 𝐌𝐚𝐧𝐬𝐨𝐮𝐫 𝐁𝐢𝐧 𝐙𝐚𝐲𝐞𝐝 𝐁𝐢𝐧 𝐒𝐮𝐥𝐭𝐚𝐧 𝐀𝐥 𝐍𝐚𝐡𝐲𝐚𝐧 oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Raysal Wasaare ku xigeenka dalkaasi, isla markaana ah Wasiirka Arimaha Madaxtooyada ee dalka Isku-taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta uga mahad naqay Marti-qaadka Rasmiga ah iyo maamuuska sare ee loo fidiyey Madaxweynaha JSL si uu uga qeyb galo Shirka Caalamiga ah ee Kulanka Dawladdaha Caalamka.

Madaxweynaha JSL waxa uu madaxda Dawladda Imaaraadka kala hadlay arrimo door ah oo muhimmad iyo mudnaanba u leh labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, arrimahaasina waxa ka mid ahaa:

Iskaashiga Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo ka wada shaqaynta Xasiloonida Mandaqadda. Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu Dawladda Imaaraadka Carabta kala Hadley inay Somaliland ka taageerto xagga kaabayaasha dhaqaalaha iyo in labada dhinac ay iska kaashadaan xagga arrimaha Amniga, gaar ahaan Xasiloonida Marrin Biyoodka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.”