Congress-ka Maraykanka iyo Aqoonsiga Madaxbanaanida Somaliland: Go’aan Iftiiminaya Xaqiijinta Rejada JSL!!

0
177

Qore Axmed M. Saleebaan

Washington, D.C. (Dawan) Talaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah ayaa si mug iyo miisaan leh u iftiimisay suurto-galnimada aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Golaha Wakiillada ee Maraykanka, uu horgeeyay Congress-ka Xeerka Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Xeerkan oo ay ujeedkiisu tahay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, isla markaana Maraykanku la yeesho xidhiidh toos ah oo siyaasadeed iyo mid amni.

Mashruucan sharciyeed wuxuu calaamad u yahay isbeddel ku imanaya aragtida siyaasadeed ee Maraykanka ee Geeska Afrika, iyada oo Somaliland lagu tilmaamay waddan istaraatiiji ah oo xasilloon, dimuqraadi ah, isla markaana si madax-bannaan isu maamula.

Xildhibaan Scott Perry wuxuu caddeeyay in Somaliland ay in ka badan 30 sanno muujinaysay dawladnimo xor ah, nabad, iyo kalsooni, isla markaana ay ka si madax bannaan uga caafimaad qabto fowdada siyaasadeed iyo colaadaha ragaadiyay maamulka Muqdisho oo uu xusay in xukunkeedu ku kooban yahay caasimadda oo keliya, sidoo kalena ay Somaliland ka duwantahay waddamo badan oo geeska Afrika ah.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay muhiimadda juqraafiyeed ee ay Somaliland leedahay, gaar ahaan goobta istiraatiijiga ah ee ay kaga taallo Gacanka Cadmeed oo ah goob aan ka fogeyn marin-biyoodka muhiimka ah ee Babul-Mandab, isla markaana ah mid ka mid ah jidadka ugu mashquulka badan ee ganacsiga caalamka.

Taageerada Xildhibaanada Kale:

Xildhibaan Andy Ogles oo ka tirsan golaha Baarlamaanka Maraykanka ayaa ku sifeeyay Somaliland inay tahay “dal xasilloon oo dimuqraadi ah”, isla markaana mudan in Maraykanku la yeesho iskaashi dhow. Wuxuu uga digay Congress-ka Maraykanka inuu iska indho-tiro saamaynta Shiinaha ee ku sii ballaadhanaysa Bariga Afrika, isaga oo Somaliland ku tilmaamay in ay tahay xulafo lagu kalsoonaan karo.

Dhankiisa, Xildhibaan Pat Harrigan ayaa caddeeyay taageerada uu u hayo aqoonsiga Somaliland. Wuxuu sheegay in Somaliland ay muddo dheer u taagnayd xukun maxalli ah oo nabdoon, lehna cilaaqaad wanaagsan oo ay la leedahay Taiwan, taas oo ah calaamad ka dhan ah saamaynta sii fidaysa ee Shiinaha. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in siyaasadda Maraykanka ay habboontahay in ay ka turjunto xaqiiqada dhabta ah ee gobolka, taas oo ah in Somaliland ay tahay dal si buuxda isu maamula oo ka madax bannaan Soomaaliya.

Gunaanad:

Xeerkan cusub ee la horgeeyay Golaha Wakiillada Maraykanka, haddii uu helo taageero sharciyeed oo rasmi ah, waxa uu noqonayaa mid dhabbaha u xaadhaya aqoonsiga buuxa ee Somaliland. Wuxuu sidoo kale noqon karaa xoojin awood leh oo lagu muujinayo in beesha caalamku ay si dhab ah ugu baraarugtay xaqiiqada siyaasadeed, nabadgelyo iyo dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland kaga duwan tahay gobolka Geeska Afrika.

Aragtida Wargeyska Dawan:

Xeerkan Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee la horgeeyay Congress-ka. Maraykanka ayaa ah tallaabo geesinimo leh, una muuqata mid soo dedejin karta midho-dhalka halganka Somaliland muddada dheer ugu jirtay aqoonsi caalami ah. Waa fursad dahabi ah oo loo baahan yahay in si xeel dheer oo qaranimo leh looga faa’iidaysto, iyada oo lagu dhisayo siyaasad diblomaasiyadeed oo mideysan, taas oo ka tarjumaysa danaha shacabka reer Somaliland.