Qanci Dadka Aan Ku Fahmin!

0
226

Saynisyahankii Jarmalka u dhashay Albert Einstein wuxu ahaa asaasihii qaybo muhiim ah oo cilmiga Fiisigiska casriga ah ka mid ah.

 

Waxaana aqoontaasi iyo dadaalkaasi lagu siiyay abaal marinta caalamiga ah ee Noble Prize qaybta cilmiga. Intii uu baadhista cilmiga sayniska ku jiray waxa uu dhibaato kala kulmay dad badan oo ka soo horjeeday cilmi baadhista kuwasi oo uu arkyay waxaan suurtagal ahayn.  Saynis yahankani waxa uu dadka ku soo jiitay iskuna jeclaysiiyay inuu maray jidka ugu muhiimsan qancinta qofka kaa soo horjeda.  Sidaa awgeed waxa uu leeyahay xikmado iyo halku dhegyo uu dadkaasi ku qanciyay oo ay ka mid yihiin:

“Koritaanka maskaxda aadamigu waxay la bilaabantaa dhalashadiisa, mana joogsato ilaa inta uu ka dhimanayo”. Waxaana uu ujeeda in qofku wakhti kasta u baahan yahay cilmi iyo aqoon si maskaxdiisu  u korto”.

 

“Waa arin xun in dadka oo dhami ay wanaag sameeyaan iyagoo ka cabsi qaba in la ciqaabo ama doonaya in la siiyo abaal marin”. U same wanaaga adigoo doonaya inaad noqoto qof wanaagsan , isla markaana raacaya Amarada Allah (sw). “ Ka fogow dadka fikirka xun waxay ka dhex arkayaan xal kasta oo loo baahan yahay in mushkulad tahay ” .