Macron oo booqday Greenland si uu midnimada ugu muujiyo Jasiiradaa

0
278

Astaan ​​muujineysa sida ay Greenland ugu tahay Yurub,ayuu madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu shalay booqasho ku tegay jasiiradda Arctic, taas oo ay khubaradu sheegeen inay muujineyso midnimada Yurub iyo jawaab loo dirayo Donald Trump.

Macron oo lugtiisa kowaad ku maraya caasimadda Nuuk, waxa uu la kulmay qabow iyo cimilo aad u daran, laakiin inkasta oo ay jireen xaaladahaasi, hadna si diiran ayaa loo soo dhoweeyey.

Dadka reer Greenland ayaa ku faraxsan boqashada Macron marka la eego xaaladaha jira.”Tani waa mid weyn, ayaan odhan karaa, sababta oo ah waligeen booqasho noogu muu iman madaxweyne, aad ayaana loo soo dhoweynayaa,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan xisbiga Greenland, Kaj Kleist.

Nuuk waa magaalo yar oo ay ku nool yihiin dad ka yar 20,000, imaatinka hoggaamiye caalami ah iyo wafdigiisa, waa dhacdo weyn.

. “Waxaan u maleynayaa inay xiiseyn doonaan, waxa fariintiisa ay noqon doonto.” Ayuu yidhi Arnakkuluk Jo Kleist

“Waa madaxweynaha Faransiiska, laakiin sidoo kale waa wakiil muhiim ah oo Yurub ah. Waa fariin ka timid dalalka Yurub oo muujinaya taageerada, in Greenland aan iib ahayn, iyo Boqortooyada Denmark,” ayuu ku sii daray Arnakkuluk Jo Kleist.

 

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ah hogaamiyihii ugu horeeyay ee magac weyn leh oo lagu casuumo ra’iisul wasaaraha cusub ee Greenland Jens-Frederik Nielsen. Wadahadallada ayaa diiradda lagu saari doonaa amniga Waqooyiga Atlantic iyo Arctic iyo sidoo kale isbeddelka cimilada, horumarinta dhaqaalaha iyo macdanta muhiimka ah, ka hor inta aanu Macron sii wadan socodkiisa shirka G7 ee Kanada.

Ra’iisul wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa isaguna bogaadiyey booqashada, waxaana uu ku tilmaantay “Marqaati kale oo la taaban karo oo ku saabsan midnimada Yurub” iyada oo ay jirto “xaalad siyaasadeed oo dibadeed oo adag bilihii la soo dhaafay”.

Muddo dhowr bilood ah, Greenland, oo ah dhul ka madax bannaan Denmark oo ay ku nool yihiin 56,000 oo qof, ayaa la kulmay cadaadis xoog leh iyada oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku celceliyay inuu doonayo inuu qabsado jasiiradda qani ku ah macdanta, isaga oo ku sababeeyay amniga Maraykanka inuu yahay sababta koowaad oo aanu meesha ka saarin inuu isticmaalo xoog .

socdaalka Greenland ee Macron waa qayb ka mid ah ciyaaraha siyaasadeed ee u dhexeeya quwadaha waaweyn ee adduunka, ama Yurub iyo Maraykanka. Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance iyo lammaanihiisa ayaa booqday Greenland wax yar ka dib markii ay xilka la wareegeen.