Habeenkii Dhibta Badnaa Iyo Farance!

0
178

Magaalada quruxda badan ee Barays oo maanta loogu yeedho magaalada aqoonta iyo fanka, waxa soo maray habeen taariikheed dhiig badani ku daatay.  Xasuuqan ayaa bilowday habeenkii 23 Augst 1572, wakhtigi kacaankii Faransiiska.

Habeenkaasi waxa la dilay kumanaan qof oo rag, dumar iyo xataa caruurba leh. Xasuuqan ayaa dhex marayay madahabaha Kiristaanka.  Xasuuqa ayaa markii danbe gaadhay meelaha ka baxsan Barays, mudadaasi waxa la dilay 5000 – 3000 qof, waana xasuuqii ugu weynaa ee taariikh ahaan soo mara Farance.

Habeenkaasi dadku waxay isu rogeen xayawaan aan naxariis lahayn, suuqyada magaaladana waxa u rogmaday daad dhiig ah.  Waxaana Webiga Sein ka buuxsamay maydkii dadka taasi oo keentay in xata kaluunkii ku jiray la cuni kari waayay.  ( Resource: St. Bartholomew’s Day massacre).