Wasaaradda Duulista JSL oo Kordhinaysa Kartida Hawl-Wadeenada Madaarrada

0
98

 

Qore: Axmed M. Saleebaan

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo badbaadada duulista iyo kartida shaqaalaha, kaddib markii uu Agaasimaha Guud, Mudane Abdirashid Abdi Jama, si rasmi ah u furay tababar sare oo ku saabsan maaraynta xaaladaha deg-degga ah (Emergency Response Management Training).

Tababarkan oo lagu qabtay xarunta Madaarka Cigaal International Airport, waxaa ka faa’iidaystay qaybaha kala duwan ee shaqaalaha madaarka, waxaana bixinayey khubaro sare oo heer caalami ah oo ku takhasusay qorsheynta, la tacaalida iyo ka hortagga xaaladaha lama filaanka ah. Sida shilalka diyaaradeed, dabka, daadadka ama falal amniyeed.

Tababarku wuxuu qayb ka yahay qorshaha istiraatiijiga ah ee Wasaaradda ee ku aaddan kor u qaadidda: Wacyiga shaqaalaha ee xaaladaha degdegga ah, Diyaargarowga iyo jawaab-celinta xaaladaha cakiran ee degdegga ah, Isku-xidhnaanta hay’adaha ka shaqeeya ammaanka hawada, caafimaadka, iyo badbaadada.

Agaasime Cabdirashiid wuxuu si gaar ah u xusay muhiimadda ay leedahay samaynta hannaan joogto ah oo la isku halleyn karo xilliyada deg-degga ah, si loo ilaaliyo nafta, hantida, iyo hufnaanta adeegyada duulista.

Wargeyska Dawan oo si dhaw ula socday wararka iyo warbixinada la xidhiidha dedaalada horumarineed hoggaanka ee wasaaradda iyo maamulka madaarka ayaa muujinaya in Madaarku ku tallaabsaday horumar ballaadhan oo la jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah ee madaarada, gaar ahaan dhinacyada adeegbixinta, ammaanka iyo badbaadada.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa iftiimisay sida ay uga go’an tahay in: Shaqaalaha madaarku yeeshaan xirfado la jaanqaadi kara hab-maamuusyada ICAO (International Civil Aviation Organization), isla markaana la dhiso awoodda maxaliga ah ee maaraynta xaaladaha degdegga ah iyo abuurista nidaamyo isku xidhan oo lala yeesho hay’adaha difaaca, caafimaadka, iyo gurmadka degdegga ah.

Tallaabadan waxay astaan u tahay isbeddel ballaadhan oo ku socda hay’adda duulista Somaliland, iyada oo Wasaaraddu ay muujisay in horumarka dhabta ahi uu ka bilaabmo tayaynta shaqaalaha iyo dhisidda awoodo lagama maarmaan ah.

Tababarkani waxa uu tusaale u yahay aragtida fog ee Wasaaradda Duulista Hawada, taas oo ah himilo ku dhisan in shaqaale wacyi leh, tababaran, oo diyaarsan uu yahay laf-dhabarta horumar waara.