Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo hanaan waxbarasho loo dhan yahay, taas oo ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah ee ay Wasaaraddu ugu jirto sidii loo heli lahaa waxbarasho tayo leh oo gaadha dhammaan carruurta Somaliland, meel kasta oo ay joogaan.
Tallaabadan ayaa ka dambaysay kadib markii xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xirsi, 07/08/2025 lagu qabtay kulan muhiim ah oo lagaga hadlayay dardargelinta is-qorista ardayda ee dugsiyada waxbarashada iyo wacyigelinta waalidiinta si ay carruurtooda u geeyaan goobaha waxbarasho iyo dugsiyada dalka, isla markaana ay ubadkooda ku dhiirrigeliyaan inay dhigtaan dugsiyada.
Is-qorista ardayda ee dugsiyada ayaa ah aasaaska horumarka waxbarasho. Waxay muhim u tahay in carruurta da’da waxbarasho gaadhay aanay ka hadhin dugsiyada sababo la xidhiidha wacyi la’aan, dhaqaale xumo, ama duruufo kale oo bulsho. Sidaa darteed, kulankan waxaa lagu bogaadinayaa in uu si cad u muujiyey ujeeddooyin muhiim ah: wacyigelinta waalidiinta, kordhinta dadaalka la xidhiidha is-qorista, iyo xoojinta iskaashiga hay’adaha taageera waxbarashada.
Waxa sidoo kale mudan Agaasimaha Guud oo ah arrin la mahadiyo, isaga oo sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay in waxbarasho tayo leh la gaadhsiiyo qof walba. Hadalkani waxa uu xoojinayaa mabaadii’da asaasiga ah ee xuquuqda waxbarasho, wuxuuna u baahan yahay in la waafajiyo ficil wax ku ool ah, gaar ahaan meelaha miyiga ah iyo bulshada nugul ee u baahan garab istaagga dowladda iyo bulshada rayidka ahba.
Ugu dambayn, haddii si dhab ah loo fuliyo qodobada laga dooday kulankaas, waxa la filan karaa in heerka is-qorista kor u kaco, taas oo ah tallaabo la taaban karo oo loo qaaday horumarinta mustaqbalka jiilka cusub ee Somaliland. Waa mas’uuliyad qaran in la ilaaliyo oo la dardargeliyo dadaalladaas.






















